100 Askari oo ka mid ah Nabad ilaalinta Ethiopia oo sudan u goostay.

Warka ka imaanaya Magaalada Khartoum ee caasimada Sudan ayaa sheegaya in Askar la mid ah nabad ilaalinta Ethiopia ay isu soo dhiibeen ciidankooda.

Ilaa 100 askari oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Gobolka Tigray kuna sugan Gobolka Abyei ee Dalka Sudan ayaa diiday in dib ay ugu laabtaan Itoobiya, iyagoo sheegay iney naftooda u baqayaan.

Askartan Ethiopian ka ah ee Nabad ilaalinta u joogay Sudan ayaa diiday iney dib ugu laabtan dalkoodii sababo la xidhiidha cabsi ay ka qabaan Dowlada dhexe ee Federaalka Ethiopia oo dagaal ku qaaday dabayaaqadii sanadkii hore Kooxdii TPLF.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS