Ciidamada Woyanaha oo Guluf xoogan kawada dhulka Qomiyada OMO.

Wararka ka imaanaya dalka Itobiya ayaa sheegaya in Qaybaha kala duwan ee ciidamada Woyanuhu Hawlgal balaadhan kawadaan, Gobolka Omo ee Koonfurta Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay uu kasocday kacdoon kadhan ah maamulka kooxda TPLF.

Warku waxaa uu sheegayaa in ciidamada Woyanuhu deegaamada Qabiilka Omo-ga ay kabilaabeen olole ay xabsiga kudhigayaan dhamaan dadka taageersan kacdoonka lagaga soo horjeedo kooxda TPLF, waxayna xabsiga dhigeen dad caan ka ah Gobolka Omo oo ay kujiraan Hogaamiyayaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasada.

Xukuumada wayaanaha ayaa aaminsan in ay kacdoonada socda dabada kariixayaan dadka hantiile yaasha ah iyo kuwa caanka ah sida aqoonyahanka iyo salaadiinta beelaha, sidoo kale kooxda TPLF ayaa ilgooni ah kuhaysa Fanaaniita iyo Culimada.

Qoomiyada Omo ee kudhaqan Koonfurta Itoobiya ayaa bilo kahor kusoo biirtay kacdoonka lagaga soo horjeedo kooxda TPLF waxayna qoomiyadu go’aan satay in ay xoriyad gaadhsiinta shacabkooda umaraan wado kasta oo lagu gaadhi karo.

Xukuumada wayaanaha ayaa isku dayaysa in ay kacdoonada lagaga soo horjeedo afka qabtaan iyagoo samaynaya cabsi galin aad ubadan si ay shacabku uga hakadaan rabitaan kooda.

Sidoo kale kooxda TPLF ayaa bilowday in ay xasuuqii kasocday Oromia iyo Gobolka Axmaarada usoo wareejiso Qoomiyadaha kale ee kacdoonka wada sida Conso, Agew, Hararida iyo qoomiyada Omo.

Dadka ka faalooda arimaha Itoobiya ayaa sheegaya in aysan isku dayadaasu waxba soo kordhinaynin isla markaana ay siibadinayaan nacaybka loo qabo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...
Khubarada UN-ka oo sheegay in Lagu rasaaseeyey Magaalada Douma Ee Wadanka Syria.
- Apr 20, 2018
Wafdigii horudhaca ahaa ee ka socday Qaramada Midoobay oo gaadhay magaalada Douma ee dalka ...
Doorashadii Turkiga oo Wakhtigeedii Laga Soo Hormariyay.
- Apr 20, 2018
Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in bisha June ee soo socota la ...
Kenya oo shaacisay magacyada iyo sawirada rag lagu tuhmayo Al-shabaab.
- Apr 20, 2018
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirada Saddex dhallinyaro ah oo ...
Xukuumada Gumaysiga oo Kharash Badan Kubixisay Qaraarkii HR 128 & Kukale oo Lawado.
- Apr 20, 2018
Xog hoose oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in xukuumada wayaanuhu ...
Hooyo 50 Jir Ah oo Ciidanka Woyaanuhu Xalay Gurigeeda Kala Baxeen.
- Apr 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar ...
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Gumaysiga Ethiopia Abiy Ahmed oo magacaabay gole wasiiro  
- Apr 19, 2018
 Abiy Ahmed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihii hore ee wasiirada dalkaas isagoo bedelay ...
Afhayeenka Baarlamaanka Gumaysiga Ethiopia oo loo doortay ruux dumar ah
- Apr 19, 2018
Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay loo doortay in guddoomiye ay ka noqoto ...