Wednesday, November 22nd, 2017

Dagaaladii Gobolka Amxarada oo deegaamo badan kufiday.

Published on November 19, 2016 by   ·   No Comments

Dagaalo khadhaadh oo kasocda bariga Gobolka Gonder ayay maleeshiyada wax iska caabinta Amxarada iyo kuwa Ginbot -7, Gudaha ugu  Galeen saldhiga ciidamada Woyanaha ee degmada Kafta Humera ee dhulka Wolqayt oo horay uga tirsanayd Gobolka Gonder hadase dhinaca Tigreega raacsan.

Wariye kusugan dhulka Amxarada oo soo xiganaya Hogaamiye katirsan maleeshiyada wax iska caabinta Amxarada ayaa sheegay inay subaxnimadii hore ee shalay Gudaha u galeen lana wareegeen saldhigii ciidanka Woyanaha ee Kafta.

Warkani oo lagu baahiyay ESAT TV ayaa lagu sheegay in dagaal culus oo kadhacay duleedka iyo Gudaha degmada Kafta Humera, ay ugu dambayn maleeshiyada wax iska caabinta iyo kuwa Ginbot 7 kagaadheen Guul balaadhan ayna lawareegeen Fadhiisin ciidan.

Degmada Humera oo kutaala Bariga Gobolka Gonder ayaa maamulka Woyanaha ugu xisaabsan Gobolka Galbeed ee maamulka Tigrai, waxayna kamid tahay degmadani deegaamada ugu khayraadka badan dhulka laga boobay Qomiyada Amxarada.

Dagaalo 10-kii bari ee ugu dambaysay kasocday bariga iyo waqoyiga Gobolka Gonder oo u ay kali ku ahaayeen maleeshiyada wax iska caabinta Axmarada, ayaa waxaa Khasaare xoogan lagu gaadhsiiyay ciidamada Woyanaha waxaa se aad loo hadal haya in kubiirista dagaalka ee Ginbot 7- ay wax badan kabadali doonto Goobha dagaalka, maadaama ciidamada Woyanuhu aad uga niyad Jabsan yihiin dagaalada ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ah.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Maraykanka oo Xoojiyay Weerarada Kadhanka Ah Al-shabaab.

November 22, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka ...

Qaar Kamid Ah Saraakiisha Wayaanaha oo Faldambiyeed Lagu Qabtay.

November 22, 2017
Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa ...

Deg Deg: Xaalada Gonder oo Kacsan & Ciidamada oo Qoorta Iskula Jira.

November 22, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga ...

Somaliland Ku dhawaaqidii Natiijada Ma Ogtahay in Hotelka ugu Wayn Magaalada ay

November 22, 2017
Waxaa durba laga dareemay Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka ...

Faysal Cali Waraabe oo Si lama Filaan ha ooga hadalay Doorashii Somaliland

November 22, 2017
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ...

On YouTube