Friday, September 22nd, 2017

Goosashadii maleeshiyada Liyuuga oo Faraha kabaxday.

Published on November 19, 2016 by   ·   No Comments

Maleeshiyada Liyuu Police-ka ee maamulka Woyanuhu kasamaystay Ogadenia Hoos-taga ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay wajahay xaalad Jahawareer oo keentay in si Habqan ah ay kula baxsadaan.

Warka waxaa uu sheegaya in 13-kii bishan ay Tuulada Shiniile ee degmada Dhanaan kagoosteen 3-maleeshiyada Hawaarinta ah, 14-kii isla bishan oo ah maalin kadib isla degmada Dhanaan duleedkeeda waxaa ka fakaday 8 Askari oo qayb ka ahaa maleeshiyadii kahawlgalaysay degmada Dhanaan iyo nawaaxigeeda, lamana Oga halka ay maleeshiyaadaasi u baxsadeen.

Isla 14-kii bishan magaalada Birqod waxaa kagoostay Koox maleeshiya ah oo tiradooda lagu kala sheegay 7-ilaa 11-Askari katirsanaa maleeshiyada Aaga Birqodeed.

15-kii bishan magaalada Caado ee Gobolka Doollo waxaa ka dhuuntay 8-kamida maleeshiyadii kusugnayd magaalada, waxaana warku sheegayaa in maleeshiyadaasi u baxsadeen dhinaca xadka Soomaaliya oo aan wax badan ka fogayn.

16-kii isla bishan oo ah maalin kahor magaalada Dig waxaa kabaxsaday 3-kamida maleeshiyadii Aagaasi kusugnayd, balse mid kamida maleeshiyadii baxsatay ayaa waxaa Gacanta kudhigay koox isla maleeshiyada ah oo kadaba tagtay kaasi oo sida lasheegay u socon waayay, isla 16-kii bishan degmada Xamaro ayaa waxaa iyaguna ka Goostay 2-kamida maleeshiyadii Liyuuga ee kusugnayd.

Maleeshiyada Liyuuga ayaa wajahaysa xaalad Qalafsan oo nololeed sida isu awood sheegasho,mushaar la’aan, iyo khilaaf joogta ah, waxayna arimahani soo dada jiyeen in qaar badan oo kamida maleeshiyadu go’aan sadaan inay Lafahooda la baxsadaan isagana Tahriibaan dalka intii ay cidla kudhiman lahaayeen.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube