Kulan lagu xoojinayo Heshiiskii Galkacyo oo lagu qabtay Garoonka Cabdullahi Yusuf.

Kullan lagu xoojinayo hirgalinta heshiiskii iyo xabjoojintii Galkacayo ayaa maanta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi yuusuf, waxaana ka qaybgalay  Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid,Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamadda labada dhinac, Guddiga Nabadaynta ee gobolka iyo Saraakiil ka socotay Qaramada midoobay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la kulmay guddiga nabadaynta galkacayo, ayaa soo jeediyay in la isku dhafo ama si isweydaar ah la isugu daro guddiga labada dhinac si loo abuuro kalsooni ay labada guddi ku wada shaqayn karaan islamarkaana ay guul uga gaaraan howlaha ka shaqaynta nabada.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddiga uga mahad celiyey dedaalka iyo tallaabada muhiimka ah ee ay ka gaareen kala qaadista ciidamada iyo xabad joojinta ay ka hirgeliyiin magaalada Gaalkacayo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isaguna dhankiisa ku dhiiri geliyey guddiga inay ku dedaalaan dardar gelinta ka shaqaynta nabadda iyo xasilinta magaalada Gaalkacayo, islamar ahaantaana tilmaamay in Gaalkacayo ay u baahantahay nabad iyo horumar.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kulanka erayo kooban ka sheegay ayaa tibaaxay in guddigu ay tallaabo wax ku ool ah ka gaareen xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada taasina ay tahay mid rajo wanaagsan ka muujisay talaabooyinka waddatashi ee ay  guddigu qorshaysteen.

Ugu danbayn, madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug  ayaa sheegay in ay marwalba diyaar u yihiin adkaynta nabad gelyada iyo xoojinta deris wanaagga,ayna sii labanlaabi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii nabad iyo xasilooni waarta looga dabaali lahaa Galkacayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Wareegtada Madaxweyne Trump Oo Fasaxay Dadka Kalamaqan Isu Keenidooda
- Jun 21, 2018
Waxaa kala Xayiraa Dad Badan oo ehel aha kadib markii Uu Mabnuucay Madaxwaynaha Maraykanka ...
Deg Deg Daawo Ciidamada Xasilinta Oo Muwaadin Soomaali Ah Kudhaawacay Isgooska Zoobe Ee Muqdisho
- Jun 21, 2018
Waxaa Dhawaan Amniga Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Iyaga Oo Tacadiyo kala duwan ...
Kabogo: Halkuu Dambeeyay Wadahadalkii O N L F iyo Ethiopia
- Jun 21, 2018
Daawo Xog Hoose Wadahadalkii Ugu Danbeeyey Ee ONLF Iyo Ethiopia Khaladaadkii Dhacay HALKAN KADAAWO
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan
- Jun 21, 2018
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan HALKAN KA DAAWO.
Deg Deg Dhalinyaro Gadoodsan oo Fashiliyay Shir Diri-Dhabo Lagu Qabtay.
- Jun 21, 2018
Shir ladoonayay in lagu qabto magaalada Diri dhabo ayaa fashilmay kadib markii ay wacdaro ...
Deg Deg : Abiy Axmad oo Kala Diray Maamulkii Shucuubta Koonfureed.
- Jun 21, 2018
Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya, Abiy Axmad ayaa wuxuu sheegay inuu kala diray Maamulkii Shucuubta ...
Deg Deg : Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka K. Africa oo Toogasho Lagu Dilay.
- Jun 21, 2018
Koox loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ...
Deg Deg Daawo Madaxweynaha Eritrea Oo Ku Dhawaaqay In Wafi Uu Dirayo Dalka Ethiopia
- Jun 20, 2018
Waxaa is fur furaysay Siyaasada Ethiopia Taniyo Intii Uu Raysal wasaaraha Cusub Xukunka Lawareegay ...
Ciidanka Itoobiya oo Gabadh Shacab ah Kala Baxay Gurigooda Dagmada Qalaafe.
- Jun 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegay in ciidamada ...
Maxkamad kutaala Adis Ababa oo isu Badashay Goob mudaharaad.
- Jun 20, 2018
Maxkamad kutaalada xaafata dhilataa kifaltaa oo kamid ah xaafadaha magaalada Adis Ababa ayaa isu ...