Monday, November 20th, 2017

Shir kooxda TPLF soo abaabushay oo fashil kudhamaaday.

Published on November 19, 2016 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday iskuday ay xukuumada wayaanuhu kudoonaysay in ay kuqabtaan shir majaro habaabin ah.

Shirkan oo ay kooxda TPLF mudo sooqaban qaabinaysay ayaa looga gol lahaa in bulshada Itoobiyaanka ah iyo beesha caalamka lagu jiha wareeriyo isla markaana shirka loo ekaysiiyo shir wada tashi ah.

Shirkan ayay kooxda TPLF ugu magac dartay shir wada tashi ah waxayna kucasuuntay dad kabadan ku qof oo isugu jira aqoonyahan iyo dad magac leh waxayna sheegeen in ladoonayo in ladhagaysto fikirka aqoonyahanka.

Ma aha markii ugu horaysay ee shir been abuur ah oo bulshada lagu khaldayo ay kooxdu qabato, hase yeeshee dadka shacabka ah iyo dowladaha aduunka ayaa bartay dhagarta kooxda TPLF.

Sikastaba ha ahaatee dadka lagu marti qaaday shirka ayaa go’aansaday in aysan ka qayb galin shirkan marin habaabinta ah ee loogu yeedhay wada tashiga waxayna kooxdu ku hongowday iskudaygii ay bulshada ku khaldi rabeen.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Rabshado Khasaare Gaystay oo Nairobi Ka Dhacay.

November 20, 2017
Sida ay kusoo waramayaan wakaaladaha wararka ugu yaraan ...

Deg Deg: Mudaharaad Si Lama Filaan Ah Uga Bilowday Bahardar.

November 20, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta ...

DAAWO Imaaraadka Carabta oo Farmaajo u sameeyey Soo dhawayn lama Filaan ah loo Sameeyey Kadib Marki

November 19, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo ...

DAAWO:Sh Maxamed Cabdi Umal Ainta Wasiirada iscasishay Waxay ahayd in Dadka Soomaalida

November 19, 2017
Warbaahinta ayaa inta badan ka hadashay hadalkii dhawaan ...

Fariin Cajiib ah Wasiir Cabaas Walaalkii oo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed u Sheegay

November 19, 2017
Cabdicasiis Siraaje oo ay Walaalo yihiin Alaha u ...

On YouTube