Friday, September 22nd, 2017

Jaajuuska Bulshadiisa Ka Raaca Cadawgooda Waxaa u Kulmay Xumaan oo Idil.

Published on November 20, 2016 by   ·   No Comments

Waxaa jira dhaqamo uu aadanaha ka midaysan yahay, diimaha la aaminsan yahay dhamaantoodna ay wada qirayaan. Waxaa ka mid ah; Run sheega, Geesinamada, Deeqsinimada,iwm. Waxaa kaloo ka mid ah neceybka qofka Jaajuuska ah ee bulshadiisa ka raaca cadawga ka soo horjeeda.

Qofka noocaa ah waxaa u kulmay xumaan oo idil, waa beenaale, fulay ah oo naftiisa waxaan ahayn aan dan ka lahayn. Sidaa darteed dhamaan qawaaniinta iyo sharciyada aadanaha u dajisan, ha ahaado mid uu Ilaahay u jideeyay ama mid ay iyagu qorteen, waxay ka midaysan yihiin in shaqsiga noocaa ah aan loo nixin oo sida ugu naxariista daran looga fogeeyo dhibkiisa mujtamaca.

Kacdoonada sida aadka ah ula soo dagaalamay jawaasiista waxaa ka mid ahaa ururka ANC ee u soo halgamay xoriyadda dadka madowga ah ee Koonfur Afrika waxaana jirta in sannadkii 1985-kii ayaa markii ugu horeysay caalamka laga daawaday qof inta madaxa loo galiyay lug baabuur ama gaari oo laga buuxiyay batrool lagu shiday oo siduu u holcayay ku basbeelay.

Waxaa talabadaa naxdinta leh oo loo yaqaano (Necklacing) lagu fulin jiray qof kasta oo madaw ah oo ka mid noqda booliska cadaankii midabtakoorka ku dhaqmayey, gudiyada magaalada (town councilors), iyo qof kasta oo lagu cadeeyo inuu jaajuus u yahay cadaanka. Shaki kuma jiro inuu falka noocaa ah yahay mid naxdin leh oo diinteena iyo diimaha kaleba aanay ogolayn. Taasoo jirta, hadana waxa ku kalifay inay sidaa ula dhaqmaan waa dambiyadii ay ka galayeen xubnaha wada halganka lagu xoreynayo dadka madawga ah oo iyagaa qudhooda ay ka midka ahaayeen waxaana loo adeegsan jiray inay soo jaajuusaan, soo qabqabtaan oo ay la soo dagaalamaan dhalinyarada halganka ku jirta iyo siyaasiyiinta ANC ama madaxda ururada shaqaalaha (trade unions) ee dadka madawga ah.

Sidoo kale hadii aynu eegno kacdoonadii ka dhacay wadamada Algeria,Vietnam,Eretria iyo mid kasta oo gobanimadoon ahaa, jawaasiista iyo kuwa la socda gumaysiga waxay ahaayeen kuwo faquuqan oo ay bulshada ula dagaalantay si naxariis la’aan iyadoo sharciyada u yaala dawladaha ay ciqaab dil ama xabsi daa’in ku qaada qofkii ay ku helaan inuu jaajuus u yahay cadaw ay is hayaan waxaana jirta in dadka gumeysiga neceb ay aaminsan yahiin in Ummad aan jawaasiista iyo kuwa gumaysiga la socda aan iska soocin oo si adag ula dagaalamin guul ma gaarto.

Sida la ogyahay shacabka Somaliyeed ayaa gabi ahaantii wuxuu caan ku ahaa weligii nacaybka jawaasiista iyo qofka cadawgooda la socda iyadoo xiligii soomaalidu ay xornimada u dagaalameysay dadka cadawga u adeega ama jaasuuska u ah ay ahaayeen fara ku tiris. Intaa yaree la socota gumaysigana ma dhici jirin in inta dabada laga soo laado lagu amro inay baxaan oo la soo dagaalama gobanimadoonka.

Waqtigan adag ee Soomaaliya ay ku jirto marka la qiimeeyo jawaasiista Soomaalida ah ee cadawga u adeega gaar ahaan Itoobiya xargaha ayey goosteen oo waa tiro beeleen waxaana qaarkood ay jagooyin sare ka hayaan Dawlada Soomaaliya sida Golaha Wasiirada,xildhibaanada Baarlamaanka, Madaxda Maamul Goboleedyada,Saraakiisha Ciidamada iyo kuwa NGO’yada iyadoo ay noqdeen kuwa aan qarsooneyn oo ku faana in ay jawaasiis u yahiin ajnabiga waxaana ay aaminsanyahiin qofkii aan jaajuus u noqon ajnabiga welibana Itoobiya inuu wax jago ama xil dawladeeda heli karin.

Ugu dambeyntii Qofka sidaa isu-duleeyay oo ummaddiisa cadawgeeda u jaajuusa sow maaha mid Aduun iyo Aakhiraba seegay.

Xigasho: Abdulahi Nur Colombo

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado vs Dhimbil.  

Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

September 21, 2017
Shot Flim ila qosol Khasaarihii Avocado Gaaray

Shirka Golaha Guud ee Q.M oo Soomaaliya Lacag Ugu deeqay

September 21, 2017
Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ...

Ciidamada Soomaaliy oo Howlgal Amniga lagu sugayo ka sameeyay Shabeellaha Hoose

September 21, 2017
Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo ...

Maamulka Galmudug oo Shaacisay Qorshe ina ka badan 100-dhalinyaro ah Shaqo Abuur loogu samanaayo

September 21, 2017
Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u ...

On YouTube