Wardoonka TPLF iyo qiimayntooda Ururka ONLF.

Saraakiisha heer sare iyo dhexe ee sirdoonka Ethiopia waxay si joogta ah daraasado taxane ah ugu sameeyaan awoodda dhaqaale, ciidan, abaabul iyo siyaasadeed ee Ururka ONLF.

Maanta oo aynu joogno inbadan oo kamid ah xubnaha heer hoose ee Ururka, maamulka kilalka iyo dadka caadiga ahba way uga aqoon iyo xog-roonyihiin xaalladda guud ee Ururka.

Sababta miyaad i waydiin?

Sababtuna way caddahay oo waa mid kamida shaqooyinka ugu muhiimsan ee maalin laha ah ee ay qabtaan.

Xilligan siday u arkaan awoodda Ururka?

Jawaabta ka hor.

Qolada kilalku sidaynu aragnay aadbay ugu soo celceliyaan inay baabi’iyeen Ururkii ONLF, maalintii dhawayd ee ladilay Sheekh deeqna waxayba ku tilmaameen dhanmaadkii ururka, dad badan oo caadi ahina qiimayn taas u’eg ayaa usoo baxday, laakiin wardoonka TPLF ama EPRDF waxay qabaan fikrad taas ka duwan, waxayna leeyihiin:

1- waa sax in awooddii ciidan ee ururka hoos loo dhigay ama la wiiqay;

2- waa sax in dowladda dhexe (TPLF) iyo tan deegaanku (kilalku) wax-wayn ka qabteen ilaalinta iyo controlida xuduudda dheer ee uu dalku (Ogadeniya/S-galbeed) la wadaago soomaaliya, cidhiidhina la galiyay dhaqdhaqaaqii iyo isu gudbiddii ururka ee Soomaaliya iyo Somaligalbeed (Ogaden);

3- waa sax inay maamulada Soomaaliya si dhaw noogala shaqeeyaan la dagaalanka Ururka islamarkaana nala wadaagaan xogtooda.

4- waa sax inay xoogaa khilaafaad heer hoose ah iyo tabashooyin dhalinyaro ka dhex jiraan Ururka, laakiin sidaas oy tahay khatarta amni iyo siyaasadeed ee uu Ururku ku hayo xasilloonida iyo midnimada dalka (Ethiopia) aadbay u saraysaa, guulahaasina waa kuwo qabyo ah, maxaa yeelay weli Ururku wuxuu leeyahay hoggaan mid ah iyo hay’ado mid ah, mar haddii hoggaan mid ahi uu jirana aadbay u sahlantahay in ciidanka dibu dhis lagu sameeyo, waxayna taas ku samayn karaan fursad 60 beri ah oo ay helaan!, sidaas awgeed khatarta Ururku waa mid taagan inta uu leeyahay hoggaan midaysan iyo hay’ado abaabulan.

waxay leeyihiin “Ururku wuxuu tusaale fiican u yahay in dowladda Ethiopia lala dagaalami karo, taasoo dhiiri galisay kacdoonka qawmiyadda koowaad (Oromo) iyo tan labaad (Axmaaro).

Xubin ka tirsan sirdoonka Tigreega mar su’aal laga waydiiyay dilkii Sheekh Deeq, wuxuu yidhi: wax-wayn ma’aha geeridiisu laakiin waxaa lagayaabaa inay ka muhiimsan tahay inuu sii noolaan lahaa, waxaase labadaba kasii muhiimsanaan lahayd haddii uu ka tanaasulilahaa fikirkiisa, dowladdana u’iman lahaa, kalana shaqayn lahaa burburinta Ururka!.

Taasi waa qiimaynta wardoonka Ethiopia ee ku aaddan Ururka ONLF Lasoco Qayb kale.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Cali Ismaaciil

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka