Cabdi iley oo caydhiyay wasiirkii madaxtoyada xilal cusubna magacaabay.

Madaxa maamulka Kililka oo tan iyo dhamaadkii shir kusheegii xisbiga ku Guda jiray xil kaqaadis iyo magacaabis ayaa cadhiyay wasiirkii ugu itaalka roonaa xaabada loogu yeedho wasiirada.

Deeq Cabdullahi Buraale oo ku magac dheeraa Deeq Laba Go’le 2-dii sano ee u dambaysayna ahaa wasiirka Idman ee madaxtooyada, ayuu Horjooge Cabdi iley kadaba Geeyay shakhsiyaad uu Horay uga qaaday xilalkii ay ugu magacawnaayeen.

Waxaa jira xog soo baxaysa oo sheegaysaa in Deeq Laba Go’le Hoos loo dalacsiiyay lagana dhigay wasiir kuxigeenka madaxtoyada, balse warkani ayaa ah mid aan si rasmi ah loo Hubin.

Dhinaca Kale Horjooge Cabdi iley ayaa waxaa uu magacaabay Horin xilal ah oo uu u magacaabay shakhsiyaad intooda badan saaxada siyaasada ku cusub, kuwaasi oo buuxinaya boos in mud ah iska banaanaa iyo kuwo shakhsiyaadkii hayay dhowaan laga qaaday, waxaana kamid ah xubnha la magacaabay.

1- Cabdimahad Cabaas oo loo magacabay booskii laga Qaaday Deeq Cabdullahi Laba Go’le ee wasiirka madaxtoyada.

2- Cabdirixman Xasan oo loo magacaabay wasiirka dakhliga Kililka oo banaanaa.

3- Faadumo Takhal oo loo magacaabay wasiirka Xoola iyo reer Guuraaga.

4- Asad Cumar oo isna loo magacaabay wasiirka Jidadka iyo wadooyinka Kililka.

Horjoogaha maamulka Jigjiga oo shaki badan kaqaba shakhsiyaadka lashaqeeya ayaa 3-dii bilood ee ugu dambaysay waxaa uu caydhiyay inta badan shakhsiyaadkii ku magacawnaa xilalka kala duwan ee Kililka, walina waxaa banaan boosas shakhsiyaadkii hayay Horay uu u caydhiyay cid cusubna uusan u magacaabin.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...