Saturday, September 23rd, 2017

Jigjiga magacyada wasiiro baxsaday iyo kuwo xabsi Guri laga dhigay.

Published on November 21, 2016 by   ·   No Comments

Shakhsiyaadkii ugu muhiimsan kooxda Jigjiga oo in dhowaale Fari ku Gudnayd kadib markii uu soo baxay shaki laxidhiidha in damac kaga Jiro booska Horjooganimada Kililka, ayay qayb kamid ahi baxsatay halka qaarna xabsi Guri laga dhigay.

Kuxigeenkii hore ee Cabdi iley sidoo kalana ku magacawnaa wasiirka waxbarashada ayaa lagu soo waramayaa inuu u baxsaday dhinaca magaalada Addis ababa, kadib markii kudhowaad mudo Todobaad ah laga waayay Gurigiisii magaalada Jigjiga.

Kadib baxsashada Mawliid Haayir ayaa waxaa xabsi Gurigu lagu soo rogay shakhsiyaad kale oo Hore uga tirsanaa kooxda Jigjiga, waxaana shakhsiyaadkaasi safka hore kaga Jira Cabdicasiis Maxamed, Axmed Shukri iyo 3- shakhsi oo kale.

Waxaa Jira warar isa soo Taraya oo sheegaya in shakhsiyaadka baxsaday uu kamid yahay Cabdicasiis oo mar ahaa shakhsiyaadka ugu itaalka roon kooxda Jigjiga marka laga yimaado Horjooge Cabdi iley, balse warka sheegaya baxsashada Cabdicasiis ayaa ah mid aan la hubin marka laga yimaado in si Hoose looga hadal hayo magaalada Jigjiga.

Shakhsiyaadkan oo intooda badan Hore looga qaaday xilalkii ay hayeen ayaa iska dhex Joogay magaalada Jigjiga balse Mawliid Haayir oo aan xil wareejin lagu samayn, ayaa muuqata inuu isagu la baxsaday xilkii macmalka ahaa ee uu ku magacawnaa.

Shakhsiyaadkani ayuu Horjoogaha maamulku uga shakiyay xidhiidho ay lasameeyeen xubno sare oo kamida kooxda EPRDF, kuwaasi oo ay Hore ugala hadleen is badal lagu sameeyo maamulka Kililka iyo kan xisbiga taasi oo keentay inuu karifo baalasha Horjooge Cabdi iley oo u arkay inay ku caasiyeen.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Jawaabta Kuuriyada Waqooyi: “Trump Waa Ey Ciyey”.

September 22, 2017
Khudbadiisi u horeysey ee Donald Trump ka jeediyeo ...

HRW oo Digniin & Eedaynba Ujeedisay Taliska Wayaanaha.

September 22, 2017
Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Human Right Warch ...

Xiisadii Gobolka Gonder oo Cirka Iskushareertay & TPLF oo Wareertay.

September 22, 2017
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gonder ee dhulka ...

Dagaalo lagu Hoobtay oo kasocda deegaamada Xadka Oromada iyo Somaalida.

September 22, 2017
Dagaalo Khasaare badan dhaliyay oo u dhexeeya maleeshiyada ...

Maxaa sababay xasuuqii Awaday ma siyaasad mise Khilaaf xaduudeed?

September 22, 2017
Dhibaatada u dhaxaysa bulshoyinka Ood wadaagta ah ee ...

On YouTube