Qomiyada Orgoba ee badhtamaha Itobiya oo kubiirtay kacdoonka Woyane diidka ah.

Wararka naga soo gaadhay magaalada Sanqale ee xarunta qoomiyada Argoba ee badhtamaha wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas kajiraan rabshadihii abid ugu xumaa ee kadhacay Gobolkaas.

Sida xogta aan kuhelayno qoomiyada Argoba ayaa wadatashi ay aqoonyahankeeda iyo waxgarad keedu yeesheen ku biirtay kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda xukuumada wayaanaha.

Rabshadaha ayaa bilowday kadib markay dad hubaysan oo qoomiyada Argoba kasoo jeeda suuqa magaalada Sanqale ku toogteen sargaalkii madaxda ka ahaa ciidanka amaanka waxaana goobta ka baxsaday sida lasheegayo dablaydii dilka saraalka kadambaysay.

Intaas kadib waxaa guud ahaan Gobolka Argobe kabilowday iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay kacdoon wadayaasha qoomiyada Argoba iyo ciidamada wayaanaha waxaana lagu soo warmayaa in ay ciidamadu adeegsanayaan awood xad dhaaf ah waxaana lasheegayaa in ay shacabka ugaysanayaan jidh dil aad ubadan.

Sidoo kale ciidamada gumaysiga ee aagaas ayaa xabsiga dhigay boqolaal shacabka ree Argoba ah kuwaas oo iska caabin yar kusamaynayay ciidamada Gumaysiga oo awood dheeraad ah isticmaalayay.

Sikastaba ha ahaatee qoomiyada Argoba ee dagta badhtamaha Itoobiya ayaa kusoo biirtay qoomiyado dhowr ah oo kacdoon xoogan kala soo horjeeda kooxda TPLF waxaana kamid ah qoomiyadaha mudada dheer kacdoonka wada Oromada, Axmaarada, Conso, Agew, Omo, Hararida, Bulshada Muslimka ah iyo dadka ree Ogadenia oo in kabadan 25 sano kacdoon hubaysan kawaday dhulka Ogadenia.

ONA.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...