Yaa yidhi Halganka ONLF kujirto waa Qabiil ?” Faallo.

Ilaa xilligii u gumeysiga Ethiopia dadla & dalka Ogadenya qabsaday waxay bulshadu la hortaagnayeen halgan gobonimo doon oo wax badan oo gumaysigu uu doonayay wiiqey wuxuuna gumeysiga Ethiopia intan ku soo gaadhay xeelado & khayaanooyin balse hadii uusan xeeladahaas isticmaaleen halganka Ogadenya ma uusan xamileen, gumaysiga ma quustaha ah hadba xeeladihiisa mid ka mid ah & dacaayad uu kooxo u fuliya u samaystay ayuu wakhtiga isku dhaafiyaa.

Gumeysiga Ethiopia wuxuu marar badan sheegaa in halganka ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya hormuudka u tahay uu mid qabiilka Ogaadeen u gaar ah yahay hadaba qoddobkan waa sheekmo gumeyste ee maxaa ka run ah habkeese gumaysigu u rabaa inuu u faafiyo, ugu horeyn aynu soo qaadane halganka ONLF wuxuu gaar u yahay reerka Somaliyeed ee Ogaadeen maxaa ka sax horta kalmada u gaar ah macnaheedu waa Halgankas cidkale looma ogola inay ka qeybqaadato.

Gumaysigu wuxuu dadka ku ababaulaa dacaayad been aha wuxuuna dad badan quluubtooda ku duubay in ONLF ay diideyso cid aan beesha Ogaden ahayn ka qeybqaadato hadda ogsonoow oo waxa u gumeysigu sheegeyo inay ONLF dad gaar ah mooyee umadda kale u diidayso waa halgan, intaas kaliya ma ahaee bal aynu eegno oo aynu qeexno halgan & macnihiisa waanaa in aynu si fog u dhadhamino macnaha dhabta ah ee halgan & baaahiyihisa joogtada ah

Halgan waa jid gobanimo lagu doonayo oo gumeysina lagaga baxayo si taas loo gaadhana waa in wax walba oo qaali ah loo huro maalka lagu bixiyo loo dhinto, la dhaawacmo, wakhti lagu bixiyo & loagu baro kaco, marka uu halganku intas oo baahi ah leeyahay macquul miyay tahay in urur gobonimo doonaya uu diido in ay dadkoo dhani raacaan ama taageeraan caqligaga gaarka kuu sh ku qiimsyso ma macquulba siduu gumeysigu leeyahay ee sh ONLF waa beel Ogaden ah.

Halgan & guud ahaan nolosha mayiyaynu ku haynaa cid diida in khasaare lala qaybsado sidee isu qabanaysa weedha gumeysiga & halagn gobanimo doon ah ogsonow akhristow weedha khasaare waxyaalaha sida maadiga ah halganka uga muuqda ee dhimasho, dhaawac & hantiba leh ayaynu u isticmaaleyna balse sida dhabta ah ee qotada dheer kolka loo eego inaad dhulkaga u dhimato ama aad siyaabo kale ugu halganto khasaare ma aha ee waa shafar

Hadaba maxaa gumeysiga ilaa intan ka dhaawajinaya ee isaga & wixii u adeegabaa ay ugu qafiifeen weedha ay ku kogeen? jawaabta dhabta ah waxay athay gumeysigu wuxuu ogyahay wax aaney Somali badan ogayn maanta inbadan oo aqoonyahan Somaliyeed ahna ay ka seexden xataa odayaasha dhaqanka & waxgaradka Somaliyeed ay ka seexdeen, gumeysiga waxaa u muuqda oo kolkuu xusuustaba ka salalayaa sasna ku haya waa wada dhalashada salka dheer ee Somalida Ogadenya & Soomalida inteeda kale  ka dhaxaysa gumeysigu wuxuu rumeysan la’yahay maangalna u noqon la inuu wiil ama hooyo Somaliyeed ku dilo ama ku faro xumeyo Ogadenya isna Berbera, Bosaaso & Saylac uu alaab kasoo rogto.

Gumaysigu wuxuu rumeysan la’yahay in dalka Soomaliya guud ahaantii laga soo qabqabto dadka gobonimo doonka ah isla jeerka uu arko dadka Somaliya ku sugan & kuwa Ogadenya sinji & suuradba ku kala sooci wayo wuxuu isweydiin goorta ay Soomalaida hurudaayi ku toosi doonaan, sidaas darteed gumaysigu wuxuu curin hal-abuuris been ah oo tiro badan isna wada hor imaanaysa

Halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo miyaa looga maqnaankaraa qabiil hebel ayaa aasaasay oo wada ama u badan? tan waa maya jawaabteedu mana jirto cid soo aroorin karta fikir macquul ah oo uu ku xalaaleeyo reer hebel ayaa halagnka leh, waxaa la awda qirayaa reerka halgankan lagu riixayaa inay Soomalai dhab ah yihiin hadaynu si kale u dhigno iyagoo reer hebel ah haday Ethiopia iska xoreynayaan saw gacan siin ma mudna hadaanu garaadku qaldamin

Wax iyana xusid mudan ooynu kusoo xidhi magaca ONLF kalmada u horeya ee O oo Ogaden sheegeysa halganka miyaa looga maqnaan karaa? bal milicso waxa Ogadenya mashaqo taala sida hooyoyin, hablo, odayaal iyo saqiio uu gaal Xabashi ah garaacayo suu doonan ka yeelayo, waxaa xabsiyada lagu xareyay oo lagu garaacayaa dad aan waxba galabsanin kuwa aan xabsi gali lana dilina ruux waliba wuxuu isleeyahay tolow adna goorma lagu soo gaadhi handadaa joogto ah ayayna shacxbku ku noolyihiin

Dood qof caqli qabaa u la imanayo ma aha waxaaso dhanban arkiwayay oo magacaas ayaan arkayaa uun taasina waa iska yeelyeel xataa ruuxa saas ku doodaya magacu doonayo hadii lakeeno halganka kama mid noqdeen, ugu dambeyntii waxa xusid mudan in arrintan aaney Ogadenya u gaar ahayn balse shacabka Falastiin iyo ururkood Xamaasba kolka carabta la weydiiyo waxay ku doodan iyagaan diyaar u ahayn oon ogoleyn inaan la dagaal galno.

Mid ka mid ah madaxda ugu magac dheer Xamaas oo laydhahdo Khaalid Mashcal ayaa mar la weydiiyay inay diiden in lagu gacan lagu siiyo laguan caawiyo dagaalka  ay Isra’il kula jiraa wuxuuna  ku jawaabay kuwa sheegay in Falastiin ood arkeysan xaalkeeda aanay cidna weydiisanayn caawimo waa kuwo awalba aan hadaanu u qayshanana shacabkayaga wax na tareen

W/Q Ducale Macaruf

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
- Jan 20, 2018
Daawo Gudomiye ha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo Taabit Kabaha. ..
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
- Jan 20, 2018
Daawo barnaamijka hormarinta Degmada Goldogob
Daawo Dhaqan Xumida Maamulka Abdi Iley Say Dadka U Cayaan iyo Waalida Waxa Haysta
- Jan 20, 2018
Ninka aaminsan ninka cajaladan soo duubay ( Cabdi iley) inuu dan umadeed ka shaqaynayo ...
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + Maanso- By: Xaaji M/rashiid
- Jan 20, 2018
Kala yaaca & kala haadka Taliska Adis Ababa kusoo fooleh yaa u noolaada + ...
Hay’ada HRW oo Taliska Wayaanaha Cambaaraysay.
- Jan 20, 2018
Warbixin sanadeedkii hay’ada Human Rights Warch ee sanadkii tagay ee 2017 ayaa siwayn loogu ...
Boko Xaraam oo sheegtay in ay 25 askari ka dishay milatariga Niger
- Jan 20, 2018
Mintidiinta kooxda Boko Xaraam ee xiriirka la leh kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ...
Sisi oo markale u tartamaya madaxtinimada Dalka Masar
- Jan 20, 2018
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ...