Ardayda Jaamacada Jimma iyo ciidamada Woyanaha oo iska Horimaad xoogani kadhex socdo.

Wararka ka imaanaya dhulka Oromada gaar ahaan magaalada Jimma ayaa sheegaya in ardayda Jaamacada Jimma iyo ciidamada Woyanaha uu iska hor imaad culus oo khasaare badan gaystay ku dhex maray Gudaha Jaamacada iyo banaankeeda.

Hardanka u dhexeeya ciidamada Woyanaha iyo Ardayda Jaamacada Jimma oo socday 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay, ayuu khasaare kala duwan kasoo Gaadhay Labada dhinac waxayna ciidamada Woyanuhu ku Guuldaraysteen Qorshe ay doonayeen inay qaar kamida ardada xabsiga u taxaabaan.

Sida warku sheegayo ardada wax kabarata Jaamacada ayaa Labadii maalmood ee u dambaysay waxaa ay sii xoojiyeen kacdoonka ay kala soo Horjeedaan ciidamada Woyanaha, waxayna ardaydu isugu soo baxeen banaanka Jaamacada halkaasi oo iyaga iyo ciidanka Woyanuhu fooda iskudareen.

 

Dhinaca kale Dr. Fiqaadhu, oo kamid ah Macalimiinta Jaamacada Jimma wax ka dhiga aadna looga yaqaano Jaamacada ayay ciidanka Woyaanuhu jeelka dhigeen kadib markii ay jidh-dil iyo ciqaab badan ay u gaystay professor ka iyagoo kusoo eedeeyay inuu kacdoonka ardaydu wadaan uu wax ka ogyahay kuna taageersan yahay.

Ciidanka Woyaanaha oo aad u muuraal jabsan ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya guud ahaan shacabka Itoobiya gaar ahaan ardayda iyo inta damiirka leh ee ka dhiidhiday ciqaabta iyo cabudhinta shacabka Itoobiya lagu hayo. Kacdoonkan cusub ee Ardayda Jaamaca Jimma ay ku talaabsadeen ayaa kusoo beegmaya iyadoo uusan sinaba u dhaqan galin fulinta xaalada deg degga ah ee Woyaanuhu dalka kusoo rogay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...