Sargaal kamida Rukumadii musuq maasuqa TPLF oo lacaydhiyay.

Kooxda Xayle Maryan ayaa qaaday Talaabo lama filaana oo xilkii lagaga qaaday xubin sare oo kamida Hogaanka kooxda TPLF kana mid ahaa Rukumada musuq maasuqa iyo boobka Hantida Ummada ku caan baxay.

Gudiga dabagalka maaliyada ee maamulka Woyanaha oo qayb ka ah waaxda la dagaalanka musuq maasuqa ayaa laxaqiijiyay inay baadhis iyo dabagal dheer kadib cadeeyeen, in Esayas Bahre oo ahaa madaxa Bangiga Horumarinta Itobiya uu yahay Laf dhabarta shabakadaha dhaca iyo boobka u samaysan.

Mr Bahre oo xilkan soo hayay tan iyo bilawgii maamulka kooxda TPLF kana mid ah saraakiisha ugu muhiimsan kooxdaasi, ayaa xilka qaadista lagu sameeyay waxay bixisay fasiraado kala duwan oo laxidhiidha Hoos u dhaca awoodeed ee kuyimid kooxda TPLF oo iyadu haysatay dhamaan ilaha dhaqaalaha iyo ciidamada Woyanaha.

Baanka Horumarinta Itobiya ayaa inta badan waxaa uu bixin jiray Lacagaha damaha ah ee lasiiyo Ganacsatada iyo shirkadaha kala duwan ee Hoos u dhaca dhaqaale kuyimaado, waxaana shakhsigani lagu eedeeyay inuu sameeyay musuq maasuqii ugu balaadhnaa ee sanadihii ugu dambeeyay halakeeyay guud ahaan Hay’adaha dawliga ah.

Gudiga dabagalka ee xil kaqaadista kusameeyay ayaan wax eedayn ah oo laxidhiidha sababta xilka qaadistiisa cadayn sidoo kale Gudigu masheegin in laxisaabtan iyo daba Gal dheeri ah lagu samaynayo, maadaama sababta xilka looga qaaday ay tahay cadaymo rasmi ah oo muujinaya dhaca iyo boobka xad dhaafka ah ee uu ku kacay sanadihii u dambeeyay.

Waxaa jira warar Hoose oo sheegaya in Esayas Bahre lagula Heshiiyay in xilka laga qaado iyada oo la muujinayo awooda kooxda, balse aan wax baadhis iyo laxisaabtan ah lagu samayn sidoo kalana wixii Hanti ah ee uu dhacay ayna wax kasoo qaad lahayn maadaama uu yahay xubin katirsan TPLF.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xog hayaha Guud ee JWXO oo shacabka Somaaliyed lahadlay
- Jul 16, 2018
Waxaa Khudbad ujeediyay Umada Soomaaliyee Xogaha Guud Ee O N L F Mr Maadey ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee TV Ga
- Jul 16, 2018
Waxaa Isa sii Taraya Isbadalada Kasoo Cusboonaanaya Guud ahaan geeska africa Gaar ahaan Ethiopia ...
Daawo Muqdisho waxa ay ka gudbeysaa shidaalka lagu iibiyo caagadaha
- Jul 16, 2018
Waxaa isa soo taraya Hormarada Mashaariicda Magaalada Muqdisho Hadaba halkan kadaawo Muuqaal arinkaasi Kusaabsan.
Israa’iil oo Weerartay Marinka Qaza ee Falastiin.
- Jul 16, 2018
Benjamin Netanyahu, Ra’isal wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil weerarkii ugu cuslaa tan ...
Deg Deg Colaadii Soomaalida & Oromada oo Meelo Horleh Kusii Fidaya.
- Jul 16, 2018
Wararka nagasoo gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Gobalka Liibaan ayaa sheegaya in shacab badan oo ...
Jaaliyada Melbourne & Ergadii Shirwaynaha JWXO oo Kulana yeeshay.
- Jul 16, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Australia gaar ahaan magaala madaxda gobolka victoriya ee Melbourne ...
Daawo Warbixin Murugo leh Ciqaabta Xabsiga Jeel Ogaadeen
- Jul 15, 2018
Waxaa Maalmahan ba baraha bulshada Kubadanaayay Soo if bixida Warbixinada Kusaabsan Tacadiyada Kajira Jeel ...
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
- Jul 15, 2018
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
DEG DEG Daawo Gabadh Reer Sool ah oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Laascaanood
- Jul 15, 2018
Waxaa mar walba Colaada ay Saamaysaa Dumarka caruurta Iyo waayeelka Hadaba Gabar Da yar ...
Daawo Jabuuti Oo Walaac ka Muujisay Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
- Jul 15, 2018
Dowlada Jabuuti Oo Colaad ka dhaxayso Eritrea Ayaa ka walaacsan Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ...