Warbixin dacwadii Dahab-shiil iyo wariye Daahir Calasow.

Maxkamadda Magaalada Den Bosch ee waddanka Nederlands ayaa shalay dhageysatay dacwad u dhexeysa Tifaftiraha shabakadda Waagacusub Daahir Cabdulle Calasow & Maamulaha Dahabshiil C/rashiid Maxamed Siciid Ducaale.

Garyaqaanad u hadashay Dahabshiil ayaa u jeedisay Daahir eedeymo door ah, waxaanna eedeymahaasi ka mid aheyd; Inuu faafiyey warar been abuur ah oo qaarkood halis geliyey sumcadda & kalsoonidii shirkadda lagu qabay, sidoo kale waxeey sheegtay in ujeeddada ka dambeysa dicaayaqadaha uu faafinayo website-ka Waagacusub ey tahay in shirkaddu burburto, iyada oo dhinaca kalena ku tilmaantay warar wax kama jiraan ah in Dahabshiil ay xiriir la leedahay Alshabaab, sidoo kalena ay qeyb ka qaadatay dilal loo geystay dad Soomaaliya caan ka ah.

Maamulaha Dahabsiil C/rashiid Maxamed Siciid Ducaale, oo fadhiga goob joog ka ahaa, ayna ka muuqatay welwelka & culeyska ka haysta wax uu ku tilmaamay weerarka Dahabshiil kaga imaanaya Daahir Calasow, ayaa sheegay in shirkaddiisu ay ka shaqeyso dalal ka badan 100, kuna kala yaal dacalada dunidda, isaga oo iska fogeeyey wararka sheegaya in Dahabshiil ay maalgeliso kooxaha argagixisada, waxaanna isaga  oo arrintaasi ka hadlayey  uu yiri:

“Dalalka aan xiriirada ganacsi ku leenanahay waxaa ka mid ah dalka Mareykanka, haddii aan argagixiso taageerno Mareykan nagama oggolaadeen inaan la shaqeyno, 2 toddobaad ka hor ayaan aniga Kampal [Uganda] kula kulmay safiirka Mareykanka” Ayuu yiri C/rashiid.

Garyaqaankii wakiilka ka ahaa Daahir Calasow, oo khudbad dheer kulanka ka jeediyey ayaa sheegay in eedeymaha Dahabshiil yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, wuxuuna ku tilmaamay Daahir suxufi run sheeg ah, oo wararka uu qorayna ay yihiin kuwa ay ku tixan yihiin tirada ugu badan ee Soomaalid ah.

Garyaqaanka waxaa kale oo intaasi raaciyey in Maamulka Dahabshiil ay doonayaan in iyaga oo qeyb ka ah dhacdooyinka dalka ka dhacaya aan laga hadlin doorka ay ku leeyihiin, wuxuuna ku tilmaamay Daahir Calasow suxufi howshiisu tahay raadinta xogaha dahsoon [investigative journalism].

“Marka aad ka shaqeyneyso dal argagixisadu ku xoogan tahay, oo ay dhici karto in naftaadu ay qatar u gasho haddaad ka hadasho fikirkaaga waxaad halis u tahay in lagu aamusiyo waa sida ku dhacday wiilal & gabdho Daahir la soo shaqeeyey. Daahir wuxuu u bareeray inuu soo tebiyo xogag & warar aysan warbaahinta kale soo gudbin karin, ma ahan oo keliya inuu soo bandhigo kuwa jariimooyinka ka geystay dalkiisa, wuxuu sidoo kale sheekeeyaa dhacdooyin aan weli dhicin, waxaanna taariikhda ku qoran in qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ay bogaadiyeen qataro dhowr ah oo uu ka digay, una dhacay sidii uu kaga digay, haddii uu yahay qof been sheegaya magaciisa lagama sheegin Baarlamaanka gudihiisa” Ayuu yiri Garyaqaanka wakiilka ka ahaa Daahir, wuxuuna xusay in ay tahay arrin la yaab leh in eedeynta Dahabshiil ey tahay mid afka oo keliya ah, oo aan wadan wax cadeyn ah.

Garyaqaanku wuxuu ku dooday  in shuruucda saxaafadda ay dhigeyso in suxufigu aan ku qasbaneyn inuu sheego halka uu ka soo xigto  wararka xasaasiga ah,  haddii ay u muuqato in ilahaasi ay naftoodu qatar galeyso.

Garsoorka Maxkamadda ayaa markii la dhageystay 2-da Garyaqaan soo xiray fadhigii Maxkamadda, waxaanna dib loo balamay bartamaha bisha Janaayo in qeybaha kale ee dacwadda la sii ambaqaado.

Daahir Calasow & C/rashiid ayaa markii ay dacwadu soo dhammaatay la arkayey iyaga oo sheeko dheer & kaftan ku qabsaday albaabka laga galo hoolkii dacwaddu ka socotay, waxaanna qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay dhageysida dacwadda ay is-weydiinayeen haddiiba is-fahamkoodu gaariisan yahay in ay isla qaataan  waqti intaas la’eg sababta ay u xalin la’ yihiin eedaha ay kala tabanayaan, oo dhaqaalaha intaas la’eg ee ka badan boqolaalka kun dollar ay ugu bixinayaan dacwadda.

Maamulaha Dahabshiil C/rashiid Maxamed Siciid ayaa waxaa dacwadda ku wehliyey Garyaqaan uu kala yimid dalka Ingiriiska, & 2 Garyaqaan oo u dhashay dalka Holland, Halka Daahir Calasow uu wehliyey Garyaqaankiisa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xog hayaha Guud ee JWXO oo shacabka Somaaliyed lahadlay
- Jul 16, 2018
Waxaa Khudbad ujeediyay Umada Soomaaliyee Xogaha Guud Ee O N L F Mr Maadey ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee TV Ga
- Jul 16, 2018
Waxaa Isa sii Taraya Isbadalada Kasoo Cusboonaanaya Guud ahaan geeska africa Gaar ahaan Ethiopia ...
Daawo Muqdisho waxa ay ka gudbeysaa shidaalka lagu iibiyo caagadaha
- Jul 16, 2018
Waxaa isa soo taraya Hormarada Mashaariicda Magaalada Muqdisho Hadaba halkan kadaawo Muuqaal arinkaasi Kusaabsan.
Israa’iil oo Weerartay Marinka Qaza ee Falastiin.
- Jul 16, 2018
Benjamin Netanyahu, Ra’isal wasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil weerarkii ugu cuslaa tan ...
Deg Deg Colaadii Soomaalida & Oromada oo Meelo Horleh Kusii Fidaya.
- Jul 16, 2018
Wararka nagasoo gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Gobalka Liibaan ayaa sheegaya in shacab badan oo ...
Jaaliyada Melbourne & Ergadii Shirwaynaha JWXO oo Kulana yeeshay.
- Jul 16, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Australia gaar ahaan magaala madaxda gobolka victoriya ee Melbourne ...
Daawo Warbixin Murugo leh Ciqaabta Xabsiga Jeel Ogaadeen
- Jul 15, 2018
Waxaa Maalmahan ba baraha bulshada Kubadanaayay Soo if bixida Warbixinada Kusaabsan Tacadiyada Kajira Jeel ...
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
- Jul 15, 2018
Daawo Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas oo hada ka degeya Brussles
DEG DEG Daawo Gabadh Reer Sool ah oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Laascaanood
- Jul 15, 2018
Waxaa mar walba Colaada ay Saamaysaa Dumarka caruurta Iyo waayeelka Hadaba Gabar Da yar ...
Daawo Jabuuti Oo Walaac ka Muujisay Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea
- Jul 15, 2018
Dowlada Jabuuti Oo Colaad ka dhaxayso Eritrea Ayaa ka walaacsan Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ...