Ismaamulkii Amxarada oo isku shaandhayn lagu sameeyay intii badnaydna lacaydhiyay.

Kadib shirar Qiimayna oo magaalada Bahardar si Gaabis ah uga socday ayaa ugu dambays waxaa maalinkii shalay ahaa lagaga dhawaaqay in isku shaandhayn mug leh lagu sameeyay Golihii xukuumada is maamulka Amxarada.

Shirarka Qiimaynta ah ee kadhex socday kooxda ANDM ee is maamulka Amxarada Taladiisa haysa oo qaab awood ku loolan ah isu badalay ayaa marar badan lagu kala kacay, balse is Jiid jiid badan kadib waxaa meesha laga saaray xubno mudo dheer kusoo jiray Hogaaminta maamulka Amxarada.

Madaxa maamulka Amxarada Gedu Andargachew ayaa shaaciyay magacyada 22-xubnood oo noqonaya xubnaha cusub ee Golaha wasiirada maamulkaasi, waxaana cusub 16-xubnood halka ay kooxdii hore kasoo hadheen 7-xubnood oo uu kujiro madaxa maamulka Amxarada oo isugu dagaal adag lagalay kooxda Gudomiyaha oo doonaysay inay Kar-kaarka waydaariyaan.

Isku shaandhayntani ayaa kutimid cadaadis xoogan oo Ururku kala kulmay kooxda talada dalka Itobiya haysata ee TPLF, taasi oo si Joogta ah ugu eedaynaysay inay Ururka Taladiisii lawareegeen waxay ugu yeedheen Hadhaagii Dergiga oo doonaya inay mar kale Talada dalka Gacanta kudhigaan.

Dhinaca kale waxaa xabsiga loo taxaabay saraakiil katirsan ciidanka Booliiska iyo kuwa milateriga oo ay Galaafatay Qiimayn Garab socotay tan Ururka ANDM oo iyana kasocotay isla magaalada Bahardar ee xarunta maamulka Amxarada.

Eedaha ugu badan ee siyaasiyiinta iyo saraakiisha Amxaradu wajahayaan ayaa ah inay xidhiidh laleeyihiin mucaaradka Hubaysan ee Axmarada oo Woyanuhu u yaqaanaan Hadhaagii Dergiga, waxaan se la Ogayn sida ay isku shaandhayntani wax uga tari doonto kacdoonka Hubaysan ee Qomiyada Amxaradu kala Horjeedo Jabhada TPLF.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...