Ciidamada Woyanaha oo Tacadi fool xun kagaystay degmada Shilaabo.

War naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dad shacab ah oo ciidamada manaxaanka ah ee gumaysiga Ethiopia ay dagmada Shilaabo ee gobolka Qorahay si ba’an u waxyeeleeyeen dhibaatooyin xoogana gaadhsiiyee.

Sida aanu warka ku helnay meel aan magaalada Shilaabo ka fogayn ayay ciidanka nacabka ah ee gumaysiga Ethiopia oo kaashanaya kooxda bahalawday ee Hawaarinta waxay si arxan adro ah ugu jidh dileen 4 nin oo labo kamid ah magacyadooda nala soo gaadsiiyay.

Ragga la jidh dilay waxaa ka mid ah Af-Karuur Maxamed Yuusuf  & Cabdixakiin Kamas oo uu abti u yahay waana wiilyar oo 15 jir ah labada nin ee kale magacyadoodu wali nama soo gaadhin waxaase la sheegayaa in dhamaantood si naxariis daro ah loo jidh dilay haatana lagu dawaynayo goobaha caafimaadka, raggan waxaa lagu dilay dhul daaqeen xoolohu u foofi jireen oo gumaysigu uu dadka & duunyadaba ka mamnuucay islamarkaasna uu cawsku dhirta sideeda u baxay.

Iyadoo xiligu jiilaal kulul yahay dhulkuna uu caws iyo biyo yareeyay ayay xooluhu arkayaan dhul ay tigaadu sheexaysay waxaana qasab ah in ay raadsadaan markaas ayaa dadka xoolaha la jooga & waalidka caruuta xoolahaas raacdaba la ciqaabayaa, dhulkan xoolaha laga mamnuucay waa dhul baaxad leh oo ku teedsan wadada Qabridahare & Shilaabo isku xidha waxaana loo mamnuucay sababo la xidhiidha arrimaha shidaal qodista ee gumaysiugu uu ku hamiyo

Dhinaca kale ceelal ku yaalay duleedka Jeexdin oo laag cabi jiray ayaa dadka & duunyadaba loo diiday waana la aasay ceelashaas sidoo kale meesha ay ceelashaasi ku yaalaan oo tuulooyin ahaan jiray gabi ahaanba waa la gubay oo waxaa la mooada meel aan waligeed la adgin

Isku soo wada duuboo xiligan oo shcabka Ogaadeenya ay ku jiraan kaliil jiilaal xumina uu sii jiro ayaa dhulka biyuhu ku jiraan dadka & duunyadaba lagu qaliilayaa ujeedada laag leeyahayna waa in la dabar jaro shacabka & xoolahoodaba, gumaysiga macangaga ah wuxuu shacabka dhibka ku sii kordhiyaa xiliga ay sii nugulyihiin ee jiilaalka & abaarhuhu hayaan balse marnaba kuma uusan guulaysanin inuu cadaadiska ku hanto quluubta shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee birlabka ah wayba u dhabar adaygayaan ilaa inta ay gumaysiga heeryadiisa ka hoos baxayaan

Qorahay Media

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Wareegtada Madaxweyne Trump Oo Fasaxay Dadka Kalamaqan Isu Keenidooda
- Jun 21, 2018
Waxaa kala Xayiraa Dad Badan oo ehel aha kadib markii Uu Mabnuucay Madaxwaynaha Maraykanka ...
Deg Deg Daawo Ciidamada Xasilinta Oo Muwaadin Soomaali Ah Kudhaawacay Isgooska Zoobe Ee Muqdisho
- Jun 21, 2018
Waxaa Dhawaan Amniga Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Iyaga Oo Tacadiyo kala duwan ...
Kabogo: Halkuu Dambeeyay Wadahadalkii O N L F iyo Ethiopia
- Jun 21, 2018
Daawo Xog Hoose Wadahadalkii Ugu Danbeeyey Ee ONLF Iyo Ethiopia Khaladaadkii Dhacay HALKAN KADAAWO
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan
- Jun 21, 2018
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan HALKAN KA DAAWO.
Deg Deg Dhalinyaro Gadoodsan oo Fashiliyay Shir Diri-Dhabo Lagu Qabtay.
- Jun 21, 2018
Shir ladoonayay in lagu qabto magaalada Diri dhabo ayaa fashilmay kadib markii ay wacdaro ...
Deg Deg : Abiy Axmad oo Kala Diray Maamulkii Shucuubta Koonfureed.
- Jun 21, 2018
Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya, Abiy Axmad ayaa wuxuu sheegay inuu kala diray Maamulkii Shucuubta ...
Deg Deg : Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka K. Africa oo Toogasho Lagu Dilay.
- Jun 21, 2018
Koox loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ...
Deg Deg Daawo Madaxweynaha Eritrea Oo Ku Dhawaaqay In Wafi Uu Dirayo Dalka Ethiopia
- Jun 20, 2018
Waxaa is fur furaysay Siyaasada Ethiopia Taniyo Intii Uu Raysal wasaaraha Cusub Xukunka Lawareegay ...
Ciidanka Itoobiya oo Gabadh Shacab ah Kala Baxay Gurigooda Dagmada Qalaafe.
- Jun 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegay in ciidamada ...
Maxkamad kutaala Adis Ababa oo isu Badashay Goob mudaharaad.
- Jun 20, 2018
Maxkamad kutaalada xaafata dhilataa kifaltaa oo kamid ah xaafadaha magaalada Adis Ababa ayaa isu ...