Liyuuga oo boobay Raashin loo Qaybinayay dadka baahan ee Gaashaamo.

Wararka naga soo gaadhaya degmada Gaashaamo ee Gobolka Jarareed ayaa sheegay in maleeshiyada Liyuugu boobeen Raashin loo Qaybinayay dadka danyarta ah ee deegaamadoodii uga barakacay Abaarta ba’an ee kudhufatay.

Dadkani danyarta ah oo ladajiyay duleedka Galbeed ee magaalada isuguna Jiray dad Xoola dhaqata ah iyo dadkii Tuuloyinka kunoolaa, ayaa Lacago ay iska aruuriyeen Ganacsatada iyo dadka Ladan ee degmadu waxay ugu iibiyeen waxooga Raashin ah, balse koox katirsan maleeshiyada Liyuuga oo iyaga naftoodu baahan ayaa boobay Raashinkii masaakiinta” sida uu sheegay muwaadin kusugan magaalada oo Eheladiisa u dan sheeganayay.

Sida warku sheegayo maleeshiyadu waxaa ay dhaceen kala badh Raashinka waxaana muran ba’an uu dhex maray Horjoogayaasha maleeshiyada iyo maamulka degmada oo ay weheliyaan saraakiisha ciidanka Woyanaha ee degmada Gaashaamo fadhiisinka kuleh.

Maleeshiyada Raashinka boobtay oo fadhiisin ciidan kuleh Tuuloyinka dhaca xadka Ogadenia iyo Somaaliya ayaa lagu soo waramayaa inaysan bilihii lasoo dhaafay Helin saad ku filan iyo mushaar-toona, waxayna inta badan noloshooda ku dabaraan Hantida ay ku boobaan shacabka kudhaqan deegaamada ay kahawlgalaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...