Waa sidee xaalada bulshada kudhaqan degmada Araarso ee Gobolka Jarar.

Shacabka kudhaqan dagmada Araarso oo u badan bulsho Xoolo dhaqata ah gaar ahaan lo’ley ah sidoo kalana ah Beeraley, ayay Xoolahoodu kutiirsan yihiin dhulka seeraha looyaqaano iyo dhul Beereedka oo xiliyada Jiilaalka ay Lo’da ugaga baxdo.

Hadaba wariyaha Ogaden24 ee magaalada Jigjiga oo socdaal Gaaban kutagay magaalada Araarso ayaa soo sheegaya in ciidamada Woyanaha iyo maleeshiyaadka lashaqeeya ay mudo 2-bilood kahor ah Gubeen dhul Beereedka iyo dhulkii seerayaasha ama daaqsinka ah ee bulshada Xoola dhaqatada ahi xiliga Jiilaalka Lo’da Gashan jireen.

Gubitaanka dhulka degmada Araarso ayaa kadambaysay kadib markii shacabka deegaanku ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan Xoolo Gibir ah oo maamulka Woyanuhu kusoo rogay, waxaana haatan xaalad Qalafsan dadka iyo duunyadii kudhaqnaa duleedada degmada Araarso, kadib markii ay Xoolihii waayeen waxay Afka Galiyaan Baad ah.

Lo’dii ayaa daadsan Hareeraha wadada mana jirto haba yaraadee wax Goosin ah oo Lo’daasi Afka Galiso ilaa 15-km oo dhinacyada Laamiga ah, ayaa waxaad ku arkaysaa Lo’dii oo iska daadsan oo dadkii lahaa qaarna Ku dul wareegayaan qaarna isaga tageen, kadib markii ay ka Quusteen ayuu yidhi wariyaha Ogaden24 ee magaalada Jigjiga.

Sida uu wariyuhu kusoo waramayo shacabka magaalada ayay saamaysay dhibaatada kadhalatay Gubistii dhul beereedka iyo daaqsimeedkii duleedada magaalada ahaa, waxaana magaalada aad uga muuqda diifta iyo rafaadka ay kadhex dhaleen Gubista deegaankii Hodanka ahaa ee dad iyo duunya ba u baxsan jireen xiliyada adag sida kan hada lagu jiro oo kale.

Magaalada Araarso ayaa laciir-ciiraysay dadkii Xoola dhaqatada ahaa oo kusoo Jabay kuwaasi oo Neefafka usoo hadhay kula soo cararay magaalada, si ay ugu helaan Raashin iyo wixii kale ee lamid ah oo ay ku bad baadsan karaan Sacaha usoo Hadhay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Wareegtada Madaxweyne Trump Oo Fasaxay Dadka Kalamaqan Isu Keenidooda
- Jun 21, 2018
Waxaa kala Xayiraa Dad Badan oo ehel aha kadib markii Uu Mabnuucay Madaxwaynaha Maraykanka ...
Deg Deg Daawo Ciidamada Xasilinta Oo Muwaadin Soomaali Ah Kudhaawacay Isgooska Zoobe Ee Muqdisho
- Jun 21, 2018
Waxaa Dhawaan Amniga Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Iyaga Oo Tacadiyo kala duwan ...
Kabogo: Halkuu Dambeeyay Wadahadalkii O N L F iyo Ethiopia
- Jun 21, 2018
Daawo Xog Hoose Wadahadalkii Ugu Danbeeyey Ee ONLF Iyo Ethiopia Khaladaadkii Dhacay HALKAN KADAAWO
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan
- Jun 21, 2018
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan HALKAN KA DAAWO.
Deg Deg Dhalinyaro Gadoodsan oo Fashiliyay Shir Diri-Dhabo Lagu Qabtay.
- Jun 21, 2018
Shir ladoonayay in lagu qabto magaalada Diri dhabo ayaa fashilmay kadib markii ay wacdaro ...
Deg Deg : Abiy Axmad oo Kala Diray Maamulkii Shucuubta Koonfureed.
- Jun 21, 2018
Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya, Abiy Axmad ayaa wuxuu sheegay inuu kala diray Maamulkii Shucuubta ...
Deg Deg : Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka K. Africa oo Toogasho Lagu Dilay.
- Jun 21, 2018
Koox loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ...
Deg Deg Daawo Madaxweynaha Eritrea Oo Ku Dhawaaqay In Wafi Uu Dirayo Dalka Ethiopia
- Jun 20, 2018
Waxaa is fur furaysay Siyaasada Ethiopia Taniyo Intii Uu Raysal wasaaraha Cusub Xukunka Lawareegay ...
Ciidanka Itoobiya oo Gabadh Shacab ah Kala Baxay Gurigooda Dagmada Qalaafe.
- Jun 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegay in ciidamada ...
Maxkamad kutaala Adis Ababa oo isu Badashay Goob mudaharaad.
- Jun 20, 2018
Maxkamad kutaalada xaafata dhilataa kifaltaa oo kamid ah xaafadaha magaalada Adis Ababa ayaa isu ...