Dagaaladii ugu cuslaa oo 36- si is daba Jooga uga socda duleedka Gonder.

Dagaal lagu Hoobtay oo u dhexeeya ciidamada Woyanaha iyo kuwa Jabhada Ginbot 7- ayaa ka Qarxay duleedka Konfureed ee magaalada Gonder.

Ilo wareed ka qayb Galay dagaalka oo lahadlay shabakada wararka ee Abbay Media ayaa xaqiijiyay inay socdaan dagaalo aad u culus oo xidhiidh ah, kuwaasi oo bilawday Galabnimada 23-kii bishan soona Gaadhay ilaa iyo subaxnimadii shalay.

Goob Joogaha ayaa sheegay in Itobiya dagaalkan u adeegsatay Taangiyada iyo Gaadiidka kale ee Qafilan ayna ku rakiban yihiin, madaafiicda iyo Hubka Lidka diyaaradaha waana markii ugu horaysay ee ciidamada Woyanuhu dagaalka mucaaradka u adeegsadaan Hubka culus.

Ilo wareedka qaybta ka ahaa dagaalka ee warbaahinta lahadlay ayaa waxay sheegeen in dagaalada oo laysku noqday noqday ay Labada dhinac kala kulmeen khasaare aad u xoogan oo isugu jiro dhimasho dhaawac iyo Askar la kala qabsaday.

Dhinaca Jabhada Ginbot 7- ayaa warka lagu sheegay inay dagaalka kaga dhinteen 3-Taliye kooxeed oo kamida saraakiishii Hoose ee dagaalka Hogaaminaysay, sidoo kale waxaa iyaguna ciidamada Woyanaha u Gacan galay 3-kamida ciidanka Jabhada sida warka lagu sheegay.

Dhanka ciidamada Woyanaha ayaa waxaa dagaalka lagaga dilay in kabadan 30-Askari oo ay kujiraan ilaa 5-sargaal waxaana maleeshiyada Jabhada Ginbot 7-isu dhiibay ciidan badan oo si rasmi ah ilaha warka soo tabiyay aysan tiradooda u sheegin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...