Socdaalkaygii Jigjiga cashar aan u baahnaa iyo faa’iido ii korodhay.

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada Somaliyed meel kaste oo ay Joogto Gude iyo dibad ba marka xiga waxaan salaan wadaninimo bulshada kudhiban dhulka Soomaaliyeed ee Gumaysiga Itobiya kuhoos jira.

Waxaa kale oo Salaan gaar ah oo Halgan u dirayaa bahda Qorahay Media oo aan si weyn ugu taxanaa mudadii ay hawada ku jireen in badana aan xogo iyo warar ay soo gudbiyeen akhriyay ama dhagaystay balse aan maanta uga marag furayo waxyaalo badan oo aanan horay u rumaysneeyn, intaas kabacdi waxaan ahay nin Somaali ah oo ka jeeda waqooyiga Somalia waxaanan ka mid ahay dadka Somalida ah ee wadamada qurbaha u hayaamay burburkii dawladii dhexe ee Somalia kadib.

Mudadii aan qurbaha ku noolaa iyo ka horba waxaan ka dheregsana in ay Itobiya cadawgeena 1aad tahay ayna gumaysato qayb muhiim ah oo Somali ka mid ah balse waligay ma taageerin dadka u dhaqdhaqaaqa xornimo gaadhsiinta dadkaas Somaliyed ee gumaysiga ku hoos jira, marka aan leeyahay ma taageerin uma jeedo inaan gumaysiga ka raali ahaa ama aanan qirsanayn waxaanse u jeedaa halgankaas maal, maskax iyo wakhti midan ma galinin.

Waan ogahay in ay waajib tahay in dhamaan dadka Somaliyed ay halgankaas galaan sababtoo ah dhulka la gumaysto Somali ayaa leh Somali oo dhan ayaana dagan oo lagu xasuuqaa hadii la xoreeyana Somali oo dhan ayaa ku faa’iidaysa, iyadoo aan sidaas u rumaysanahaya hadana waligay halganka waxba kuma tarin waxna ma yeelin oo dadka dhibaateeya ama xasda kamid ma noqonin waxaanan iska ahaa guul suge wanaag oo dhan umada Somaliyeed guud ahaan la jecel gaar ahaana kuwa cadowgu haysto inay xaqooda helaan niyada ka jecel.

Anigoo maanka iyo maskaxda uun guul ka jecel aadna uga xumaada xasuuqa, boobka, barakicnita iyo xadgudubyada dumarka Somaliyed dhulka Ogadenia loogu gaysto ayaan ku baraarugay saxansaxo socota oo wada baaq ah isbadal iyo nabad waxaanan in mudo ah si yaab leh u daawanayay muuqaalo lagu baahinayay TV-yo Afsomali ku baxa sida ESTV iyo Universal TV.

Labadaas TV waxay si xawli ah hawada ugu soo daayeen sawiro muujinaya horumar waxaanan bilawgii is weydiiyay waxa isbadalay ee ilaa xadkaas Itobiya ay gacanteeda u dabcisay waamaxay, warar iyo qoraalo waxa ay TV-yadaasi baahinayaan ku lidi ah ayaa iyaguna barbar socday kuwaas oo anigu aan inta badan kala socday Qorahay Media oo aan macmiil u ahaa cimrigeeda oo dhan.

Runtii xiliyadii danbe dhagahayga iyo indhahaygaba waxaa ku xoog batay wararka ESTV iyo Universal TV QM iyo saxaafada kale ee Ogadenia iyagana waxaan uga barya xaqiiqo sugan oo ma beensanaynin waxaanan u arkayay in Itobiya ay wax ka tanaasuhsay halgamayaashuna ay wax intaas ka badan raadinteeda u madax adaygayaan, markii maskaxdayda mudo la isku haystay oo aan geesna faraj ayaa fumay is leeyahay dhanka kalena dhiiladii oo sii kordhaysa laydabaal siinayay ayaan go’aansaday inaan maalinkaas kadib cidiba iga xog ogaalnimo badnaanin

Waxaan si buuxda u qaatay in aan masxakdayda ka xoreeyo saxaafada igu loolamaysa waxaanan goostay Ticket Jigjiga ayaanan ka degay markii aan cagaha Jigjiga galiyay waxaan u qaatay inaan wali dhexda ku sii jiro oonan gaadhin dhulkii hilaacayay ee wada laydhka ahaa janadana u ekaa een TV-yada kor ku xusan ka daawanayay.

Xili galab gaaban ah ayaan Jigjiga galay balse waaxaanan meeshaba soo dhiganin ayaa iga hor yimid indhaha ayaan taagtaagay siigo iyo boodh ayaa isoo dhaweeyay maskaxda ayaan xusuus ka raadiyay waxaanan ka soo helay ilo biyo aha oo si xoog badan u duulayay iyo dhul ay ka muuqdaan sawiro aan xiligan i hor oolin, waxay iigu darnayd makaan hotel dagay een dadkii joogay oo qurbajoog ubadan weydiiyay meesha aanu joogno halka ay tahay ee la igu bilaabay haaraan

Rag aanu qurbaha kawada tagnay ayaan weydiiyay waar heedhaha miyaan habawsanahay mise meeshu waa jigjiga? su’aashaydii su’aal ayay dhashoo waxaa la i weydiiyay maxaad aragtay?, waxaan ku jawaabay wixii TV-yada aan ka daawanaynay eed idinkuna iigu gacanhaadinayseen away, maxaa la iigu jawaabay ayaad u malayn akhriste?

Waxaa la iigu jawaabay waarayaa caadi iska dhig dee miyaa lagaa dhex hadlayaa wax kale ayaa kaa guuxaya awalba daacad maanad ahayn IWM, waxaan maqli jiray odhaah ahayd intaan Garaadada waaweyni isoo gaadhin Afraanle ayaaban dhulka ii dhigaynin, intaanan raggi maamulka jigjiga ku suntanaaba gaadhin qurba joog aad moodo in maskaxda laga badalay oo koox ah isuna jiibinaya ayaa hareeraha igaga halgaaday odhaaho cabsi galin iyo caga juglayn iigu muuqday.

Habeenkaas anigoon dhaafin waxaan gartay inaan daawanayay riwaayad aan marar badan sheegsheegeeda ku maqlay saxafada halganka u khidmaysa oo jaalkayga QM ay ugu horayso, daawashada riwaayadii aan mudada ku soo taxnaa iyo xusuusashada barnamijyadii soo jiidashada badnaa ee i soo qalbi lulay waxaa igala cajab badnaa jilayaasha riwaayada oo qaarkood ay maalmo uun Jigjiga iiga soo horeeyeen magaaladaan ka imidna ay ka yimaadeen.

Subixii 1aad ayaa waagu nabad iigu baryay waxaanan u dhaadhacay magaaladii Jigjiga een u soo hiloowab iina hilaacday saa waxaan ka oon bixi waayay biyihii sida xad dhaafka ah u burqanayay, indhagayguna waxay ku gaajoodeen muuqaalka aqalada cooshahska ah ee wadada dheer ee lamida loo ekaysiiyay hareereheeda ku teedsan, qalbigaygu wuxuu xamili waayay muuqaalada dadka Somalida ah ee u eg dad duumo ka soo wada duudsaday dun wanaagoodaan aad ka dheehanayso lafaha toossooan ee isa sudhan uun

Maalinkaas waxaan isaga socday sidii ruux waalan cidna wax ma weydiinaynin mana garanayni subaxaas waxa maskaxdadyda sida xawliga ah ugu soo dhacayay jawaabahooda waxaanan u qaatay inaan Jigjiga tago inay ahayd uun shayga aan soo wado awalna in badan aan maqlay balse qoraalkagan oon doonayo inaan wax badan ku cadeeyo halkan ayaanan xiligan dhaafin karin la soco qaybaha sanbe

M. Sooyaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...