Topnews:Ginbot 7-oo sheegtay inay Gubeen 14-Gaadiidka dagaalka ah iyo sargaal 2-aad ee u sareeyay Ginbot oo is dilay.

Sargaal u hadlay Jabhada Amxarada ee Ginbot 7- ayaa sheegay inay ciidankiisu dagaalada 2-dii maalmood ee lasoo dhaafay kasocday duleedka Gonder ay khasaarihii ugu cuslaa ugu Gaysteen ciidamada TPLF.

Warbaahinta kala duwan ee Amxarada oo soo xiganaya saraakiisha Hogaaminaysa maleeshiyada Ginbot 7 ayaa sheegay in 14-kamida Gaadiidkii dagaalka oo ay kamid yihiin Taangiyo Beebeeyo iyo Gawaadhida Uraalka loo Yaqaano inay Gubeen intii ay socdeen dagaaladii u dambeeyay.

Dhinaca kale waxaa is dilay Taliye kamida saraakiishii ugu sareeyay ciidanka Jabhada Ginbot 7- kadib markii isaga oo dhaawac ah ay ciidanka Woyanuhu ku amreen inuu is dhiibo, sargaalka is dilay oo magaciisa lagu sheegay Mesafent Tegabu ayaa sheegay inuu yahay Wiilkii Boqor Tewodros, uuna is dilayo intii uu isu dhiibi lahaa ciidamada Taliska Faashistiga ah.

Dagaalada lagu Hoobtay ee kasocda duleedada magaalada Gonder ayaa noqonaya kuwii ugu Qalafsanaa ee Itobiya kadhaca tan iyo intii meesha laga saaray xukunkii Dergiga, waxayna dagaaladani niyad Jab iyo cabsi xoogan ku abuureen Taliska ciidamada Woyanaha oo Hub iyo ciidan tira badan u daabulay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...