Dawlada Ingiriiska oo mar kale dadkeeda uga digtay inay u safraan Itobiya.

Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Ingiriiska ayaa markale kucelisay digniintii shacabkeeda ay uga digaysay u safarka wadanka Itoobiya, waxayna wasaaradu bayaankeedii ugu dambeeyay soo saartay maalinimadii shalay ay kusheegtay in khatarta Itobiya kasii darayso.

Dowlada Ingiriiska oo kamid ahayd dowladaha ugu dhadhaw xukuumada Wayaanaha ayaa hada u muuqata in ay ogaatay dhaqanka qalafsan ee kooxda TPLF waxayna dowladu shacabkeeda dhowr jeer uga digtay aaditaanka wadanka Itoobiya.

Wasaarada Arimaha Dibada ee Britain ayaa bayaan keeda ku sheegtay in xukunkii deg degga ahaa ee xukuumada wayaanuhu kusoo rogtay wadankaas waxayna wasaaradu sheegtay in ay halis kujiraan muwaadiniinta Ingiriiska ah ee kusugan Itoobiya gaar ahaa Gobolada Oromada iyo Axmaarada.

Dowladaha Maraykanka, Norway, Germany, Canada, Australia iyo wadanka Yuhuuda waxayna dhamaan wadamadanu muwaadiniin tooda uga digeen in ay usafraan wadanka Itoobiya. Sidoo kale waxaa guud ahaan wadanka Itoobiya iskaga baxay dhamaan maal gashadeyaashii shisheeye kuwaas oo hantidoodii u daabushay wadamadoodii.

Kaguuritaanka dadka shisheeyaha ah ee Itoobiya ayaa dhalisay in guud ahaan dhaqaalihii wadanku uu dhulka galo waxaana dhaqaale la’aanta wadanka laga dareemayaa dhamaan dhaq dhaqaaqa ganacsi ee wadanka.

Sikastaba ha ahaatee digniintan ugu dambaysay ee dowlada Ingiriiska ayaa uga siidaridoonta xaaladaha qalafsan ee wadanka Itoobiya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...