Jigjiga oo Gumaysiga Iyo Adeegayaashiisu cadaadis xoogan ku hayaan.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya dhibaatooyin hor leh oo uu gumaysiga wayaanuhu ku bilaabay shacabka masaakiinta ah ee Ogaadeniya gaar ahaan Shacabka ku nool Magaalada Jigjiga.

Ciidamada waayanaha iyo Kooxda Maafiyada ah ee dhidid dhawrka u ah Gumaysiga ayaa lagu soo waramayaa inay laba jibaareen dhibaatayntii ay awalba ku hayeen Shacabka aan hubaysnayn ee Soomaalida Ogaadeenya, iyaga oo kula kacaya noockasta oo dhib Iyo Ciqaab ah.

Qaar kamid ah Shacabka Ogaadeenya ee Jigjiga ku nool oo aan xidhiidh la samaynay ayaa noo sheegay in maalmahan uu aad u kordhay gabood falka cadawgu ka gaysanayo Gudaha Magaalada Jigjiga.

Askarta TPLF Iyo Kooxda damiirlaawayaasha ah ee Hawaarinta ayaa habeenadan Magaalada Jigjiga ka bilaabay baadhitaan Iyo fatash Xoogan oo ay Gudaha ugu galayaan Guryaha xaafadaha kala duwan ee guud ahaan Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegayaa in baadhitaankan ay qaybta koobaad ku fulinayaan nooc dhuljiinmo iyo xan dhagaysi ah kadibna ay Guryaha u daadanayaan dadka joogana ay kula kayaan jidh-dil iyo handadaad halka qaarkoodna ayba la tagaan.

Isgoys kasta oo Jigjiga ku yaala waxaa habeenkii la istaajin laba ama sadex kamid ah Hawaarinta jahwareersan si ay ubaadhaan bajaaj yada iyo gaadiidka shacabku leeyahay, sidaas oo kale waxay guri ka guri u galayaan Xaafadaha Jigjiga, waxaana la sheegayaa inay dad badan ka kaxaysteen guryahooda meel ay geeyeena aan war loo haynin.

Sidoo kale waxay faarujiyeen albeerkooyin ama Hotelo jiif oo ku yaalay Jigjiga kuwaas oo la sheegay inay dhamaan dadkii jiifay la tageen xabsiyadana Ciidamadana ay gaysteen, si ay halkaasi ugu ciqaabaan.

Dhibaatadan uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya ayaa ah mid waligeedba soo jirtay, waana mid ay shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadenya la qabsadeen oo nolol maalmeed u noqotay.

Wixii kasoo kordha xaalada wadanka Ogadeniya dib ayaan kasoo gudbin doonaa hadii Eebbe Idmo ee la socda Insha Allaah.

Qorahay Media

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...