Woyanaha oo war lagu Qoslo kasoo saaray dagaalada kasocda dhulka Amxarada iyo Tigrega.

Wasaarada Gaashaandhiga maamulka Woyanaha ayaa war lagu Qoslo kasoo saartay dagaalada Todobaadyadii u dambeeyay sida is daba Jooga ah uga socday, Gobolada Amxarada iyo Tigreega kuwaasi oo khasaare culus lagu gaadhsiiyay ciidanka Woyanah.

Warka kasoo baxay wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ciidan katirsan Jabhada Ginbot 7- oo kasoo Gudbayay xadka Eritrea ay shacabka deegaanka Tigreega iyo maleeshiyadoodu kawar heleen, waxaana ay wasaaradu sheegtay in Hawlgalkii shacabku kaqaaday Ginbot 7- uu Guul kusoo dhamaaday.

Sida lagu baahiyay shabakada Fana 113-Askari oo katirsan ciidanka Jabhada Ginbot 7- ayay shacabka Tigreegu dileen halka 73-kale oo Hubkoodii oo dhan watana Gacanta kudhigeen, warka ayaa lagu sheegay inuusan wax khasaara ah soo gaadhin shacabkii fulinayay Hawlgalkii lagu soo afjarayay ciidanka Jabhada Ginbot 7- ee xadka kaso galay.

Warkani maamulka Woyanaha wasaaradooda Gaashaandhiga kasoo baxay ayaa ah mid muujinaya dhibka ciidamada Woyanuhu kala kulmeen dagaalada ay kula jiraan ciidamada Jabhadaha Hubaysan iyo maleeshiyaadka iskaashanaya, kuwaasi oo Todobaadyadii lasoo dhaafay dagaalo ba’an oo dhex maray ciidama badan oo Woyanaha noloshooda galaaftay halka boqolaal kalana Jabhadaha isu dhiibeen.

In kaste oo warkani yahay mid iska daacayad ah oo ruux kastena fahmayo u jeedada marin habaabinta ah ee laga leeyahay, hadana Jabhada Ginbot 7-wax Jawaab ah kama aysan bixin sheegashada ciidamada Woyanuhu kusheegteen in shacabka Tigreegu nolosha kuqabteen 73- 15-kalan kadileen ciidankooda oo xadka Eritrea kasoo Gudbayay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Wareegtada Madaxweyne Trump Oo Fasaxay Dadka Kalamaqan Isu Keenidooda
- Jun 21, 2018
Waxaa kala Xayiraa Dad Badan oo ehel aha kadib markii Uu Mabnuucay Madaxwaynaha Maraykanka ...
Deg Deg Daawo Ciidamada Xasilinta Oo Muwaadin Soomaali Ah Kudhaawacay Isgooska Zoobe Ee Muqdisho
- Jun 21, 2018
Waxaa Dhawaan Amniga Magaalada Muqdisho Lagu Wareejiyay Ciidamada Xasilinta Iyaga Oo Tacadiyo kala duwan ...
Kabogo: Halkuu Dambeeyay Wadahadalkii O N L F iyo Ethiopia
- Jun 21, 2018
Daawo Xog Hoose Wadahadalkii Ugu Danbeeyey Ee ONLF Iyo Ethiopia Khaladaadkii Dhacay HALKAN KADAAWO
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan
- Jun 21, 2018
Daawo Taliye katirsan ciidanka ONLF waraysi aad u xiisa badan HALKAN KA DAAWO.
Deg Deg Dhalinyaro Gadoodsan oo Fashiliyay Shir Diri-Dhabo Lagu Qabtay.
- Jun 21, 2018
Shir ladoonayay in lagu qabto magaalada Diri dhabo ayaa fashilmay kadib markii ay wacdaro ...
Deg Deg : Abiy Axmad oo Kala Diray Maamulkii Shucuubta Koonfureed.
- Jun 21, 2018
Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya, Abiy Axmad ayaa wuxuu sheegay inuu kala diray Maamulkii Shucuubta ...
Deg Deg : Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka K. Africa oo Toogasho Lagu Dilay.
- Jun 21, 2018
Koox loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ...
Deg Deg Daawo Madaxweynaha Eritrea Oo Ku Dhawaaqay In Wafi Uu Dirayo Dalka Ethiopia
- Jun 20, 2018
Waxaa is fur furaysay Siyaasada Ethiopia Taniyo Intii Uu Raysal wasaaraha Cusub Xukunka Lawareegay ...
Ciidanka Itoobiya oo Gabadh Shacab ah Kala Baxay Gurigooda Dagmada Qalaafe.
- Jun 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegay in ciidamada ...
Maxkamad kutaala Adis Ababa oo isu Badashay Goob mudaharaad.
- Jun 20, 2018
Maxkamad kutaalada xaafata dhilataa kifaltaa oo kamid ah xaafadaha magaalada Adis Ababa ayaa isu ...