Wednesday, June 28th, 2017

Ma jirtaa tab iyo xeelad aynu kukala soocikarno isbaddal doonka iyo isbaaro dhigadka?!

Published on December 23, 2016 by   ·   No Comments

Intaynaan hoos u degin aynu milicsanno qisadan ku timid sunnada Rasuulkeenna maxammed ah (SCW):

“Qisadaani waxay dhacday xilligii Nabi Daawuud (CS). Waxaa u soo gardhigtay laba dumar ah oo middood wiilkeedii bahal qaatay, ka dibna isku qabsaday kii soo hadhay oo mid walba midda kale ku leedahay kaagii ayuu bahalku qaatay kanna waa kaygii. Nabi Daawuud markuu dhagaystay dacwadoodii, uuna sameeyay wixii baadhitaan ahaa, ayuu wiilkii u xukumay labada dumar ah tii weynayd.
Markay soo bexeen bay soo mareen Nabi Suleymaan (CS), markaas buu sameeyay xeelad uu ku soo saaro hooyada dhabta ah, markaas buu dadkii u dhawaa ka dalbaday in middi loo keeno si uu wiilka ugu kala jeexo labadooda, mid kastana ay nus u qaadato. Labadii haweenka ahaa dhab ayay u qaateen hadalkii Nabi
Suleymaan, markaas buu soo baxay mid walba mawqifkeedii. Tii yarayd oo ahayd hooyada dhabta ah way argagaxday; maxaa yeelay waa wiilkeedii oo halaagsamaya, markaas bay dalbatay inaan la kala goyn ee loo daayo tan weyn, tii kalese way aqbashay xukunkii; sidaa ayuuna ku ogaaday Nabi Suleymaan inay tan yari tahay hooyada dhabta ah, cunuggiina uu ugu xukumay”….
Allaahu akbar, xikmadi saw taas ma’aha? ducadii nabi suleymaan waatii ahayd:
“قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَهَبْ لِي مُلْكًا لَا يَنْبَغِي لِأَحَدٍ مِنْ بَعْدِي ۖ إِنَّكَ أَنْتَ الْوَهَّابُ..[Surat Sad 35]”
Hagaag, Habkaas iyo heerkaas xikmadeed ma hubo inaynu adeegsankarno’e, haddana saw in wixii lafali, laga fiirsadaayi meesha kuma fiicna?…

Muddo dhawr iyo toban sanno ah waxaynu arkaynaa o’lole lagu magacaabay “isbadal-doon” si hoose markaad u dhuuxdid afkaarta riixayaasha O’lolahan, dibna u milicsatid marxaladihii uu soo maray, waxaad iswaydiinaysaa: horta, yaa isbaddal-doon ah si halkan iyo heerkan horay looga dhaqaaqo? yaase raba inuu halganka isbaaro udhigto si loo xaqiijiyo hadafka Ethiopia?!…. si aynu jawaabta su’aalahaas u raadinno, waa inaynu iswaydiinnaa isla su’aalo kale…

Yaa bilaabay ol’olahan?
Xaggay ku dambeeyeen raggii iyo dumarkii bilaabay?
Isbaddal doonku maka midaysan-yihiin nooca iyo heerka isbeddal ee loo baahan yahay?
Sababta isbadal raadintu ma xeer-dhawrid bay salka ku haysaa mise xaalad halgan oo taagan?
Saamayn noocee ahbuu ol’olahani ku yeeshay halganka (togan iyo taban)?
Mallaga yaabaa inay Ethiopia tahay cidda kaliya ee ku macaashtay lulankaas?
Xukun jacaylbaa xujjo laga dhigtaye, yaa huba inaan xukun jacayl kale loo ordaynin?
Haddiiba uu isbeddal yimaaddo, ma lagu qancidoonaa mise jawaabtu waxay noqon-doontaa ma’aha kani, kii aan rabay? sii wad su’aalaha……

Waxaannu nahay dad waawayn oo garaad leh (ragg iyo dumarba), meeshan (halganka) waxaaannu ku baabi’inay mustaqbalkanagii oo dhan, si aannu ubadkeenna mustaqbal ifaya ugu abuurno, sidaa awgeed ma aqbali-doonno aragti u dhiganta “biyihii webi xagaa jooga” oo aan la aqoonin cidda runta ah ee riixaysa (waa la ogyahaye waan la sheegaynin), islamarkaana ma inkiri doonno wixii danta iyo maslaxadda halganku ku jirto xadtaa hadday dadka qaarkii la khadhaadhahay!..

Waa lagama maarmaan, inaynu intaas ka badan sii mud-mudno qadiyaddan, si wax badani bulshada sama-doonka ah ugu caddaado.

Guulaysta halgamayaal iyo saaxiibayaal.
===========
Qisada xadiith-ka nabiga ku timid, waxaa soomaaliyeeyay: Sh Axmed Cabdi Samad.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Cali Ismaaciil

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Full HD Daawo Xafladii ugu Balaarnayd oo Lagu Xusayo Xoriyada Somaliya oo Muqdisho ka dhacday

June 26, 2017
Full HD Daawo Xafladii ugu Balaarnayd oo Lagu ...

FULL Video Wasiir Juxa Iyo Senator Faroole oo Ciiddii la Baashaalay Reer Garowe

June 26, 2017
FULL Video Wasiir Juxa Iyo Senator Faroole oo ...

Toos U Daawo Idaacaddii BBCSomali ee Caawa Iyo Caalamka

June 26, 2017
Toos U Daawo Idaacaddii BBCSomali ee Caawa Iyo ...

Toos U Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Somalia oo Cajiib ah

June 26, 2017
http://ogaden24.net/15408-2/Toos U Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Somalia ...

warkii caawa iyo TV ga qaranka

June 26, 2017
Daawo :warkii caawa iyo TV ga qaranka .