Thursday, May 25th, 2017

Madasha Qaranka oo dib u dhigtay 18-kii Kursi ee ay aqalka sare kudareen.

Published on December 29, 2016 by   ·   No Comments

War-murtiyed kasoo baxay Golaha wada-tashiga madasha Qaran ayay ku Gar-waaqsadeen inay sharcidaro ahayd 18-kii xubnood ee ay si iskood ah ugu Kordhiyeen Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya, waxayna madashu sheegtay in Go’aanka ay dib ugu celinayaan Barlamaanka ladhaariyay.

Madasha ayaa war-murtiyeedkeeda waxay Hambalyo ugu direen Baarlamaanka cusub oo ay ka dalbadeen inay wax kabadalaan Dastuurka si 18-Kursi ee aqalka sare lagu Kordhiyay sharci u noqdaan waana kana war-murtiyeedka madashu soo saartay oo ka Kooban 3-Qodob e, ka bogasho wanaagsan.

1. MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay Munaasabadda kulanka Kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare isla markaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey.

Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii Golaha sharcidejinta Qaranka Cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.

2. Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee Dawlad Goboleedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3. MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, Madaxda Hogganka Qaranka waxay isku raaceen:

a. In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

b. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

1. Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Daawo: Mudaaharaado Waawayn oo Dib uga Laba Qarxay Dhulka Oromiya iyo Shacabkii oo Gadooday.

May 24, 2017
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta ...

Xulashada Tedros waxay meel kadhac kutahay Aadminimada.

May 24, 2017
Waxaa Taariikhda markii ugu Horaysay Hay'ad caalami ah ...

Daawo:Burburka Itobiya iyo Loolanka Geeska Africa oo dhan u batay.

May 24, 2017
Jiritaankii mamulka Kooxda TPLF ayaa soo dhamaaday kadib ...

Daawo:Gaas oo kahadlay Takoorka iyo bahdilka beesha Gabooye laguhayo.

May 24, 2017
Madaxwaynaha mamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa si kulul ...

Maxaabiista Jeelka Maekelawi oo Eheladoodu inay booqdaan loo diiday.

May 24, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee ...