Saturday, January 21st, 2017

Hogaaminta xikmad iyo sinaanta kudhisan ee ONLF” Qiso dhab ah.

Published on January 6, 2017 by   ·   No Comments

Sanadku waa 1998, goobtuna waa “Maygaago” ruuxaan aqoonin tuulada Farmadaw kama foga.
Wakhti-yar uun kadib shirwaynihii guud ee Ururka, waxaa lasoo gaba-gabeeyay xil-wareejintii maamulkii hore iyo midka cusub.

waxaa la joogaa xilligii ay wufuuddu goobohoodii shaqo ku kala laaban lahaayeen, waa la hawl-qaybsanayaa, halkan waxaa taagan niman shan ah oo dhawaan la rajaynayo inay waddanka ka baxaan laakiin inta ka horaysa waxay qaban-doonaan hawlo muhiim ah.

Nimankaasi waxay kala yihiin:-

1- Sheekh Ibraahim cabdalla maax, oo wareejiyey xilkii guddoomiye-nimo ee Ururka
2- Ilyaas sheekh cali siyaad, oo wareejiyey xilkii hoggaanka gaashaan-dhigga ee Ururka
3. Axmed nuur san-waddo, oon filayo inuu isna wareejiyey xilkii hoggaanka arrimaha jabhadda (xilkaas ma hubo).
4. Cali axmed xuseen (cali dheere) iyo
5. nin aan magiciisa bisle ku xusuusto (waxaan filayaa inaan geeridiisa Xamar kumaqlay mase hubo).

Raggaas akhyaarta ah intii dhimatay alle haw naxariisto intooda noolla ilaahay ha karaameeyo’e, waxaa lagu daray wiilal dhawr ah oo naftood hurayaal ah, si ay amnigooda u ilaaliyaan uguna adeegaan raggaas masuuliyiinta ah inta ayna waddanka ka bixin.

Haddaba habeenkii koowaad ee hawl-galkooda, goor fiid ah ayuu ilyaas sheekh cali, alle haw naxariistee wuxuu u yeedhay wiil naftii hure ahaa oo la dhan jiray Tima-cadde, wuxuuna yidhi: tima-caddow Naftii hure waardiga
innoo qabo.

Intii uuna wiilkii jawaabin, waxaa hadalkii qaatay alle haw naxariistee Sheekh Ibraahim cabdallah oo yidhi: “ilyaasow adigaa waardiga fuulaya, anigaana ku beddeli-doona insha allaah!, wiilasha maanta oo dhan inna ilaalinayey, fadhigana innoogu adeegayey xaq ma’aha inay caawana waardi ama gaadh qabtaan, shanteenna waawayn umbaa qayb-sanayna inta saacadood ee uu habeenku ka kooban-yahay, aniguna 3-saacadoodbaan leeyahay inta soo hadhana afartiinnu qaybsada iyo ilyaas oo yidhi: haye guddoomiye, waardigiina qabtay”.

Akhriste maxaa kaaga baxay qisadan? maxaadse dareemi lahayd haddii aad la nooshahay hoggaan sidaas u fikiraya?.. miyeyna ahayn duruus maamul wanaag ah oo ay tahay in laga barto Ururka ONLF iyo hoggaankiisa?….

Waa innoo markale iyo qisada xigta, haddii rabbi idmo.

By:Ismaaciil Cali Ismaaciil.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



wararkii hore

Deg Deg: Maxaabiis ka baxsatay saldhiga Booliska ee Magaalada Garissa Ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari kenya

January 20, 2017
Sida ay baahiyeen ugu yaraan Lix dhalin yaro ...

Daawo:Warka Gabadhii 2-aad ee Goldogob lagu Kufsaday oo iyada 2-mar la Kufsaday.

January 20, 2017
Hooyada dhashay Gabadh lala Kufsaday Gabadhii muuqaalka Foosha ...

Maamulka oo 28-Guri ku wareejiyay saraakiil iyo Ganacsato Tigree ah+sawirada.

January 20, 2017
Maamul kusheega Kililka ayaa Guryihii ugu badnaa oo ...

Daawo:Barnaamijka Yaa mudan madaxwayne oo ay isku Hardiyeen xildhibaano miisaan culus.

January 20, 2017
Barnaamijka xiisaha badan ee Yaa mudan madaxwayne oo ...

Daawo:Dhacdo Yaab badan oo Gabadh Somaaliyeed Qabsatay.

January 20, 2017
Waa Qiso ama dhacdo dhab ah oo ay ...