Cabdi iley oo ku dhex dhdacay kooxdii ka carartay ee Addis ababa kusugnayd.

Horjoogaha maamulka Jigjiga oo ay lasoo daristay cabsi laxidhiidha is badalada maamulka Woyanuhu kawado maamulada Hoostaga, ayaa Qaaday Talaabo uu ku Hujuumay kooxdii horay maamulka uga tirsanaan jirtay ee ka cararay magaalada Jigjiga.

Wariyaha Ogaden24 ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay in koox katirsan maleeshiyada Liyuuga Qaybtooda sirdoonka oo kaashanaya sarkaal katirsan Police-ka magaalada Addis ababa, ay iskudayeen inay soo Qab qabtaan shakhsiyaadka colaadu kala dhaxayso Cabdi iley, kuwaasi oo uu Aaminsan yahay inay wadaan Qorshe xilka lagaga Qaadayo.

Sargaalka Booliiska ah iyo 5-kamida maleeshiyada sirdoonka Liyuuga ayaa maalinkii sabtida Gacanta kudhigay 3-kamida xubnaha kusugan magaalada Addis ababa, waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee Federal Police-ka magaalada Addis ababa, halkaasi oo ay kuxidhnaayeen ilaa Fiidnimadii.

Xubnaha kabad baaday iskudayga Af-duubka oo dadaal xoogan u galay samata bixinta saaxiibadooda ayaa ugu dambays ku Guulaystay in 3-da xubnood ee laqabtay ay dib xoriyadooda u helaan, waxaana Talaabadan oo ahayd iskudaygii u dambeeyay ee Cabdi iley uu sameeyo ay walaac xoogan ku abuurtay inta badan shakhsiyaadkii colaadu kala dhaxaysay oo kusugan magaalada Addis ababa Rajana kaqaba in wax uun is badalaan.

Magaalada Jigjiga ayaa maalinimadii sabtadi waxaa lagu dhex Faafiyay war sheegaya in 6-kamida kooxda kusugan Addis ababa Gacanta lagu dhigay, balse warkaasi ayaa been noqday kadib markii xubnaha laqabtay oo 3-ahaa ay kabad baadeen iskudaygii Jigjiga loogu Af duubayay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda
- Dec 11, 2017
Daawo Xildhibaan Maxamed soomali oo Aqriyay Misaaniyada dalka ee sanadka soo socda ee 2018 ...
Daawo Warkii Caalamka
- Dec 11, 2017
Daawo Warkii Caalamka aad ka heli doonto xogo muhiim ah
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
Daawo Jawaari oo dowlada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go aadkeeda Qudus
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
- Dec 11, 2017
DAAWO Barnaamijka La Hadal Xuska Maalinta Xuquuqul Aadanaha
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
- Dec 11, 2017
Daawo: Barnaamijka Gaar ah Is Cafis MUQDISHO
Al Shabaab oo Gawaari Siday Raashin ku gubay Duleedka Baladweyne
- Dec 11, 2017
Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ...
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka oo Loo Diiday Inuu Falastiin Booqdo.
- Dec 11, 2017
Kuxigeenka Madaxwaynaha Maraykanka, Mike Pence oo lagu waday in uu dhamaadka bishan tago dhulka ...
QM oo Shaacisay Tirada Shacabka Lagu Laayay Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaramada Midoobey xafiiska u qaabilsan xuquuqda Insaanka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsn tirada ...
Rabshado Kasocda Gobolka Tigrey & Khasaare Kadhashay.
- Dec 11, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adgirat ee Gobolka Tigrey ayaa sheegaya rabshado aad uxoogan ...
Deg Deg: Xubno Sarsare oo Itoobiyaan Ah oo Australia Isu Dhiibay.
- Dec 11, 2017
War goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in wafti heer sare ah oo kasocday ...