Ciidamada Woyanaha oo badhtanka Wardheer Wiil dhalinyara ah Toogasho kudila.
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay wiil shacab ah ku dileen magaalada wardheer ee gobolka doolo.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa alla ha u naxariistee Xassan Cabdi waxayna marxuumka ciidamada Woyanuhu ku Toogteen badhtamaha suuqa magaalada, waxayna kadib Toogashadiisa u diideen in maydkiisa la Aaso.
Ciidamada bahal ka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa caado u ah xasuuqa iyo mooraduuga lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin.
Ma’ahan markii ugu horaysay ee talaabo noocan oo kale ah ay qaadaan ciidamada arlaawayaasha ah ee gumaysiga Itoobiya waxaana ilaahay uga baryaynaa marxuumka inuu janadii firdawsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.