Thursday, May 25th, 2017

Qarax khasaare Gaystay oo kadhacay magaalada Gonder iyo xaalada oo Kacsan.

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya dhulka Amxarada gaar ahaan magaalada Gonder ayaa sheegaya in ay xiisad balaadhani kataagan tahay magaalada oo uu kadhacay Qarax wayn oo khasaare Gaystay.

Warka waxaa uu sheegayaa in Goob ay saraakiisha wayaanuhu ku caweeyaan oo maqaaxi tumasho ah laqarxiyay halkaas oo lasheegayo in ay saraakiil badan ku halaagsameen.

Goob jooge magaalada Gonder kusugan ayaa sheegaya in magaaxida laqarxiyay oo ahayd xarun ay saraashiisha wayaanuhu isugu yimaadaan ay gabi ahaanba baaba’day in badan oo saraakiishii goonta kucawaynaysay ahna ay ku dhinteen.

Goob joogahan ayaa sheegaya in mudo yar kadib ay goobta yimaadeen ciidamada wayaanuhu halkaas oo ay bilaabeen rasaas aan lookala meel dayaynin haas oo laga yaabo in ay galaafato nolosha dad badan oo shacab ah.

Inkasta oo rasaasta laga maqlayay daafaha magaalada Gondar hadana majiro khasaare rasmi ah oo ilaa iyo hada lasoo tabiyay waxaase lafilayaa in uu jiro khasaare aad ubadan oo dhinaca ciidamada iyo shacabkaba ah.

Majiro cid ilaa iyo hada sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxa magaalada Gonder ka dhacay hase yeeshee waxaa guud ahaan Gobolka kajira dagaal daba dheeraaday oo u dhaxeeya shacabka Axmaarada iyo ciidamada wayaanaha.

WIXII TALO IYO TUSAALE AH NOOGU SOO HAGAAJI :
ogaden24@live.com

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

Daawo: Mudaaharaado Waawayn oo Dib uga Laba Qarxay Dhulka Oromiya iyo Shacabkii oo Gadooday.

May 24, 2017
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta ...

Xulashada Tedros waxay meel kadhac kutahay Aadminimada.

May 24, 2017
Waxaa Taariikhda markii ugu Horaysay Hay'ad caalami ah ...

Daawo:Burburka Itobiya iyo Loolanka Geeska Africa oo dhan u batay.

May 24, 2017
Jiritaankii mamulka Kooxda TPLF ayaa soo dhamaaday kadib ...

Daawo:Gaas oo kahadlay Takoorka iyo bahdilka beesha Gabooye laguhayo.

May 24, 2017
Madaxwaynaha mamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa si kulul ...

Maxaabiista Jeelka Maekelawi oo Eheladoodu inay booqdaan loo diiday.

May 24, 2017
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee ...