Arday Oroma ah oo ciidamada Woyanuhu sun kulaayeen iyo xaalada Oromada oo cakiran.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas ciidamada gumaysigu ay kasameeyeen faldambiyeed ay dadka deegaanku layaabeen.

Sida xogta aan kuhelay ciidanka gumaysiga Itoobiya ee kusugan magaalada Ma’ayso ayaa ardayda dugsiga sare ee Ma’ayso kuqasbay in ay cunaan kiniin kaas oo ay ugu magac dareen in ay kaga hortagayaan cuduro dilaa ah.

Hase yeeshee kiniinkan ayaa ahaa sun ay ugu talagaleen in ay ardaydu ku baaba’aan waxaana isla markiiba koomo galay in kabadan 80 arday oo wax kabaranaysay magaalada Ma’ayso.

Dhinaca kale magaalada Mugar ee dhulka Oromia waxaa ku dhimatay inta laxaqiijiyay 2 qof halka dad kale oo badana ay ujiifaan dhibka kasoo gaadhay kiniinka ay ciidanka wayaanuhu waraabiyeen.

Sida aan idiinku soo gudbinayay wararkaanagii hore kooxda TPLF ayaa maxaabiis ku xidhnayd magaalada Gonder u adeegsaday sun halkaas oo ay ku dhinteen 4 maxbuus oo kuwa siyaasada u xidhan ah.

Arintan ayaa muujinaysa in dagaalkii qoomiyada Tigreegu ay kuhaysay qoomiyadaha ay gumaysato uu yeeshay waji cusub kaas oo dadka shacabka ah lagu gumaadaya irbado sun ah.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalinba maalinta kadambaysa sii kordhaya colaada qoomiyada Tigree iyo qoomiyadaha kale udhaxaysa waxyna arintu maraysaa in ay qoomiyad kasta udiyaar garowdo dagaal wajiyo badan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xog: Farmaajo Oo Gaaray Dhuusa Mareeb
- Jan 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ...
Deg Deg Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo Ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho.
- Jan 16, 2018
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka ...
Daawo Heestii Ugu Yaabka Badnayd Dadka Dhan Dhinac U Wada Tuurtay
- Jan 16, 2018
Waxaan Idiin Soo Gudbinaynaa Heestii Aduunka Ugu Yaabka Badnayd oo Daadka dhinac isku wada ...
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
- Jan 16, 2018
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu aaso fanaanada Dalka Soomaaliya si iiro lehna uga Tacsiyeeyay.
- Jan 16, 2018
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu ...
Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii Madaxwayne Farmaajo.
- Jan 16, 2018
/Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii ...
TPLF oo Shirar Ku Waalatay & Qorshe Ay Kawadaan EPRDF.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Taliska Wayaanaha oo Khal Khalay & Ciidamo Uu Geeyay Xuduuda Sudan.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanaha ay lasoo ...
Turkiga oo Maraykanka Ku Eedeeyay Inuu Dhibaato Ka Abuurayo Suuriya.
- Jan 16, 2018
Isbahaysiga ku lugta leh dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub ...
Hogaanka Falastiin oo Ku Gacan Saydhay Qorshaha Trump.
- Jan 16, 2018
Madaxa Ismaamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka ...