Colaadii Woyanuhu kadhex abuuray 2-da Hawaarin oo meel xun maraysa.

Wararka ka imaanaya wadanka Ogaadeenya ayaa sheegaya in Colaadii ay kooxda PLF ee Tigreegu u Abuurtay Maleeshiyaadka ay ku Adeegato ee Hawaarinada ee Soomaalida Iyo Oromadu uu meel xun marayo.

Todobaadkan aan soo dhaafnay waxaa labadaasi Maleeshiyaad ee Hawaarinta labada dhinac dhexmaray Dagaalo dhawr ah oo meelo kala duwan ku dhexmaray waxaana dagaaladaasi ku kala gaadhay Khasaarooyin kala duwan oo dhimasho & dhaawac ba leh.

Hadaba sida ay Warbaahinta Qorahay Media warkan ku heshay 7-dii Bishan Janaury-2017 Deegaanka Gursum dagaal aad u culus oo khasaar badan dhaliyay ayaa kudhexmaray labada Maleeshiyaad ee Soomaalida Iyo Oromada kasoo kala jeeda ee Hawaarinada.

11-13-kii Bishan Janaury-2017 Deegaan katirsan Degmada Salaxaad ee Gobolka Nogob waxaa sidoo kale ku dhexmaray Dagaal xoogan oo sida la sheegayo ay laba jeer isku noqdeen, waloow aanaan khasaaraha ka dhashay helin.

Isla taariikhdaasi Meesha lagu magacaabo Raaso deegaan ka tirsan dagaal kale ayaa labadan Kooxood ku dhexmaray waxaana dhanka Hawaarinta Soomaalida dagaalkaasi kaga dhintay 5 qof 8 kalana way kaga dhaawacmeen sida aan xogta dagaalkan ku hellay balse ma aanaan helin tirada Kooxda dhanka Oromada ka dhimatay inkasta oo ay wararku sheegayaan in Khasaare badan laftooda uu dagaalkaasi ka gaadhay.

Maalintii taas ka dambaysay ee 12-Jan-2017 Muli oo Baabili u dhaw dagaal kale oo culus ayaa ku dhexmaray labadan Hawaarin, isla maalintaas Koore oo isna Baabili ka tirsan dagaal kale ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay kaas oo labadan Kooxood uun u dhaxeeya.

Xukuumadda Gabbalkeedu sii dumayo ee TPLF ee ay Tigreegu hormuudka ka yahiin ayaa Colaaddan u abuurtay labadan Kooxood ee Soomaalida Iyo Oromada kasoo kala jeeda waxayna ugu talo gashay inay labo labo isugu mashquuliso Qoomiyadaha Baraarugay ee Kacdoonadan xoogan kala soo horjeeda una guntaday sidii ay Afka ciidda ugu dari lahaayeen Xukunka Dhiigyacabka ah ee Addis Ababa si ay usii cimri dheeraysato.

Qorahay Media

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...