Hanka TPLF iyo shirkadaha Shiinuhu waa Quud aan Jirin Qoryo u Guro.
Kahor intaana Guda Galin ama ba aanan gaadhin biyo dhaca Qormadan Kooban aan Akhristayaasha xusuusiyo Taariikh Halgameedkii abid ugu Qaalisanaa uguna adkaa ee caalamka soo maaray kasoo ah War kalsooni buuxda lagu Qabo.
Nabi Muxammed SCW oo cimrigiisa 40kii u buuxsamay oo daganaa magaalada Makka ayaa waxaa ku bilowday cibaado rabi oo ku salaysan Fakar kaliya isagoo ka fakarayay inuu ogaado cidda Samada abuurtay ee dhulka gogoshay Duudahana ka dul taagtay, isla markaana dunida baaxaddan leh maamulaysa.
Taasi waxay keentay inuu God ku xaroodo isagoo horay usii qaadan jiray sahay maalmeedkiisa. Waxaa maalin u yimid malaku Jibriil oo kasoo safray dhanka Samada isagoo wada hadiyad qaali ah (WAXYI) si loo baro ilaahay oo ahaa midkii uu mudada ka fakarayay sidaa darteedna uu Godka ugu xarooday!.
Mudo kadib waxaa mar kale soo laabtay Malagii oo wada Awaamir faraysa inuu isu taago shaqo culus oo ah inay dadku joojiyaan Dulmiga ay ilaahay kagalayaan, kan ay Nafahooda ka galayaan iyo kay dadka ka galayaamba.
Intaasi matahay wax dhimaal iyo wax laga xumaado? meeshii laga rabay inay gacmo furan ku qaataan naseexada ayay badalkeedii ku jawaabeen aflagaado iyo diidmo qayaxan.
Waxay arintaasi noo ifinaysaa in cid kasta oo u dhaqaaqda halgan xaq ah iyo inay dadka danahooda usheegto aan lagu soo dhawayn doonin Darin cas oo dhulka loo dhigay.
Wadanka Ogadenya ee khayraadka iyo barwaaqadu ceegagaan, balse dadkiisu ka soomanyahay waxaa kasocda halgan siyaasadeed oy hogaaminayaan Aqoonyahano meel dheer wax ka arkay oo diidaday inay xoogaa luf luf ah ku
badashaan qadiyadooda.
Waxaa si wayn u taageersan dhamaan waxgaradka gayigaas kasoo jeeda iyo sido kale waxgarad kasoo jeeda jamhuriyadda somaliya. Guumaystaha waqtigan fashilka dhex fadhiya ee Woyaanuhu horboodayo ayaa caado u uleh inuu abuuro kolba hagardaamo cusub oo dhaxalsiisa khasaare iyo inuu Farta dhexda ka qaniino.
Qadiyada aan Qalinka ku dul hayo hadaan dadkeeda yara faaleeyo- Marka hore waxaan bogaadinayaa geeddi socodka halganka iyo shacabwaynihiisa wax walba hurayaalka ah. Marka labaad waxaan wada ognahay inayna dadku isku wada darajo noqon karin hadii laga eego dhanka Nafhurka, dhanka maal hurka iyo dhanka maskax hurkaba.
Waxaa kale oy ku kala duwanaan karaan dhanka adkaysiga Madaama uu halganku shabaho Orodka maaradoonka ee ruuxba tabartiisu meel dhigto. intaana sii dhex makhuuranin qoraalka aan ku dhawaaqo- ilaahay Naxariis waasic ah ha siiyo intii u shahiiday mada’a xoraynta dalkaas, Inta dhaawacantayna ilaahay ha boogo dhayo, Inta u xabisana Faraj ha u furo. Aamiin.
Hadaba inta uu Jiro Halgan siyaasi ah oo leh Hogaan iyo ciidan Qalabaysan oo u Taagaan soo dhicinta xaqa Ummadeena Gumaystayaashii kala dambeeyay ka xayuubiyeen, shacabkuna Taageero Hiil iyo Hooba leh la Garab Taagan yahay soo Hanka kooxda TPLF iyo shirkadaha maafiyada ahi ma aha Qar iska xoornimo iyo Quud aan Jirin Qoryo u Guro ?.
Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan