Qisaska Naftood hurayaasha (Masuul iyo laga masuulba) Qaybtii 3-aad.

Goortii ay hal saac oo fiidnimo tahay ayuu Cabdiraxmaan u yeedhay Maxamed Sh cali oo uuna qudhiisu aqoon hore u lahayn laakiin madashu kulmisay, si ixtiraam ku dheehan-yahay ayuu Dhagawayne ugu yidhi: Adeer iyo N/hure waardiga qabo, waana 30 daqiiqo kadibna waa lagu baddali, sidaas iyo fulin wanaagsan intuu yidhi ayuu Dhagawayne sii dhaqaaqay.

Maxamed Sh Cali waxaa haysta dhawr cilladood:

Tan hore, waa ciidanka oo uu dhawaan kusoo biiray sidaa awgeed weli si fiican uma laylyamin;
Tan labaadina waa nidaamka X/dhexe uyaalla oo uuna habayaraatee wax aqoon ah u lahayn iyo tan saddexaad oo ah inuu horay usoo noqday guddoomiye jaaliyadeed isuna arko inuu yahay masuul jabhadeed oo aan mudnayn in Waardi ama gaadh loo diro.

Dhawrkaas arrimood oo isbiirsaday waxay Maxamed Sh Cali laabtiisa ku tuureen dareen!. sida uu isagu goor dambe nooga sheekeeyay wuxuu Maxamed iswaydiiyey su’aalo ay kamid yihiin: miyaadan nin masuula ahayn sidee wiilkan yari waardiga kuugu diri? tolow ma tidhaahdaa war digtoonow? Amar-diido masamaysaa mise waaba 30 daqiiqo’e intaad biyo iska cantuugsanaato ayaad berri wiilkan yar la xisaabtantaa? bi’iwaaye nin-wayna waa tahay, fudayd-na laga fiicane berri u dhigo arrinta, eeggana Waardiga iska qabo, gurrac-kasta hakugu ahaatee waaba 30 daqiiqo’e ayuu go’aankii kusoo ururiyey.

Maxamed wuu qaatay amarkii wuxuuna fuulay waardigii. Dhagawayne ma-oga waxa ka guuxaya laabta Maxamed sh cali.

Markii ay 30-kii daqiiqo u dhammaadeen welina aad ula yaaban yahay sida ay ku dhacday inuu Waardi qabto ayaa waxaa u yimid guddoomiyihii X/dhexe (N/hure Kayd) oo sinta ku wata qori AK47 ah, salaan kadib Kayd wuxuu yidhi: Maxamed waardigii wuu kuu dhammaadaye orod difaacaagii ku laabo.

Maxamed baa yidhi: guddoomiye waa sax oo waan arkaa inay 30-kii daqiiqo ee dhammaadeen laakiin waxaan sugi inta uu N/hure iiga imanayo, adiguse xaggeed usocotaa Kaadi-tag miyaa tahay?. Kayd-baa ugu jawaabay anigaa ku baddalaya oo uu Dhagawayne iisoo kaa diray!!. Maxamed baa yidhi: guddoomiye miyaad igu ilaaqtami waa sidee xaalku? iyo mayee N/hure waa dhab’e difaacaagii ku laabo, waardiga laguma sheekaysta’e!…….

Ma hadalbaa hadhay?

Sidaasuu Maxamed sh cali ku qaatay darsi qaro-wayn oo uuna bilo iyo bilo ku fahmeen sharraxaad, sidaasuu ku ogaaday xaqiiqda madaxtinimada halgamaagu nooca ay tahay, sidaasuu naftiisa ugu sheegay inuu yahay arday maalintii koowaad fasalka soo fadhiistay, sidaasuu ku ogaaday in hubsiimadu tahay habka ugu wanaagsan ee lagu gaadho xaqiiqada arrini leedahay.

Maantana kuwii aan maalintaas qisadu dhacday buuryada laga goynin, ayaa macalimiin is magacaabay innoo ah!!, si ay halganka iyo sifada halgamaaga innoogu sharaxaan.

Lagasoo bilaabo xilligii guddoomiye Sh Ibrahim Cabdallah (AUN) ilaa maanta oo aynu joogno sidaasaa looga dhaqmaa X/dhexe ee jabhadda. ciidanku maalintiibay shaqeeyaan, masuuliyiintuna habeenkiibay waardiga qaybsadaan. Maxamed cumar cismaan, guddoomiyaha xilligani kolkuu x/dhexe joogo wuxuu odhan jiray: aniga waardiga saddexda dambe ee habeenimo halaygu aadiyo, waa codsi’e.

Waa inoo markale iyo qisada xigta insha allaah.

By: Ismaaciil Cali Ismaaciil!

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...
Xog Cusub :Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Tubta Siyaasada Loo dhan-yahay, loogana hadlay arrimo 
- Jan 18, 2018
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ...
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo
- Jan 18, 2018
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo ...
War Degdeg Bananbax baladhan oo Lagaga Soo Horjeedo Shirka
- Jan 18, 2018
DEG DEG Banan Bax Baladhan oo lagaga Soo Horjeedo Shirka Dhuuso Mareeb ee Lagu ...
Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia Hormarkeeda
- Jan 18, 2018
Sayid Maxamed baa dadka ugu geesisana isna waakii yidhi “adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa ...
Riwaayadaha Cabdi soo ma dhamaadan!!
- Jan 18, 2018
Maanta ayuu Cabdi iley kudhigay riwaayad uu iga sameeyey magaalada Qabridahar kuna qasbay ehelkayga ...
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
- Jan 17, 2018
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
Saraakiil Al Shabaab ah oo Lagu Sooqab qabtay Deegaanada Koonfur Galbeed
- Jan 17, 2018
magaalada Baydhabo ayaa laga soo sheegaaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka ...
Qormo Abdulaahi dheere wuxuu kamid Ahaa dhaluntii lagu gumaaday xasiiqiii qabridhare ilaahay qofkuu dilo ayaa dhinta Abdulaahi dheere wuxuu iishegay mar Aan kuwada xidhnayn jeel ogaden wuxuu indhihiisa ku Arkay Abdulaahi wuxuu yidhisidan
- Jan 17, 2018
waan jiifay marka uu dagaalku bilawday waxayna Ahayd xili duhur Ah waxaan kutoosay dhawaqii ...