Bayaanka shirka wadatashiga JWXO ee Jaaliyadaha UK.

Magaalada London ee waddanka UK waxaa lagu qabtay shir muhiim ah oo lagaga tashanayay sidii loo horumarin lahaa halganka lagu xoraynayo dalka Ogaadeenya ee hormuudka ay ka tahay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO). Shirkan, oo lagu qabtay Xarunta Jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada London intii u dhaxaysay 13 – 14 January 2017, wakxaa ka soo qayb galay xubno ka kala yimid Birmingham, Manchester, Leicester. Waxaa sidoo kale ka soo qabyb galay masuuliyiin ka tirsan Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee JWXO.

Shirkani wuxuu qayb ka ahaa shirar wadatashi ah oo hoggaaminta iyo xubnaha JWXO ay kaga tashanayaan sidii loola jaan-qaadi lahaa xaaladaha isbad-baddalaya ee ka jira gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladda gumaysiga Itoobiya, oo kacdoono shacbi oo ba’ani ay ka socdaan.

Shirku wuxuu ka dooday marxaladda cusub ee halganku galay iyo sidii loola jaan-qaadi lahaa duruufaha ka dhashay kacdoonada ka jira Itoobiya iyo saamaynta ay ku yeelan karaan halganka Ogaadeenya.

Shirku wuxuu isla qaatay lagama maarmaanimada in loo diyaar garoobo isbaddal kasta oo ka dhaca gobolka, iyo in la diyaariyo qorshayaashii isbaddalkaas lagaga gudbi lahaa. Waxaa sidoo kale halkaas laga soo jeediyay talooyin badan oo ku aaddan sidii halganka looga horumarin lahaa dhinacyada siyaasadda, ciidanka iyo abaabulka bulshada.

Shirku wuxuu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay ciidammada geesiyiinta ahee xoraynta Ogaadeenya ee hadh iyo habayn u taagan difaacidda dalka iyo dadka, iyo shacbiga geed-adaygga ahee u dhabar adaygay dhibaatooyinka gumaysiga ee kaga dhabeeyay go’aankiisii ahaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo halganka xoraynta Ogaadeenya.

Shirku wuxuu cambaareeyay gabood-fallada faraha badan ee gumaysigu sida joogtada ah ugu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. Shirku wuxuu sidoo kale cambaarayn wayn u soo jeediyay dowlada Shiinaha iyo taliska gumaysiga Itoobiya oo dhawaan sheegay inay fulinayaan hawlo cusub oo lagu soo saarayo Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ah ee Ogaadeenya, xilli ay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya la il-daran yihiin abaaro ba’an oo galaaftay dad iyo duunyo aad u fara badan.

Gabagabadii shirka waxaa la sameeyay qiimayn ku saabsan qaabkii ay dhacdooyinka shirku u dhaceen iyo nuxurka ka soo baxay, waxaana la isku raacay in shirku uu si wanaagsan u dhacay, isla markaana daboolay dantii laga lahaa.

Mintid, midnimo, isku tashi iyo guul.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Deg Deg Daawo General Gebre Oo Laga Eryey Shaqadii Uu Ka Hayay Urur Goboleedka IGAD
- Jun 25, 2018
Col. Gebre gziabher Alemseged oo Soomaalida u taqaanno Gabre ayaa la sheegayaa in la ...
Deg Deg Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Warbaahinta la Hadlay
- Jun 25, 2018
Dagaalkii Kululaa ee la isku mari waayay Kadib Waxaa ay hawada isu marinayeen labada ...
Daawo Boqolaal Ethiopian ah oo ku Hubaysan Ulo iyo Tooriyo Oo Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe
- Jun 25, 2018
Soomaaliya Oo Dadkii Udhashay ay yihiin Qaxooti kudayacan aduunka Meelkasta Kudayacan ayaa waxaa usoo ...
Daawo Barnaamijka Xogta Todobaadka Oo Aad Uxiiso Badan
- Jun 25, 2018
Wararkii Ugu Doorka Roonaa ee todobaadkan Dhacay Halkan Kadaawo. HALKAN KADAAWO
War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...