Taliye sare oo Katirsanaa Sirdonka Woyanaha oo Toogasho Lagu Dilay.

War Goor dhowayd soo dhacay oo naga soo gaadhaya dhulka Oromia ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay halkaas ku khaarajiyeen sargaal katirsanaa ciidamada sirdoonka ee wayaanaha.

Sida warkan aan kuhelay toogashadan ayaa kadhacday magaalada Danbidollo oo katirsan Gobolka Wallage ee dhulka Oromia waxaana toogashada gaystay rag kuhubaysnaa baastoolado oo goobta kabaxsaday.

Sargaalka toogashada lagu dilay oo lagu magacaabi jiray Adisu Tafera ayaa ahaa nin ay shacabku aad unecbaayeen oo dhibaatooyin kala duwan ugaystay dad rayid ah oo gaar ahaan kusugnaa dhulka Oromada.

Sida muuqata kacdoonadii shacabku ay wadeen ayaa yeeshay waji kale waxaana soobaxay dhalin yaro hab casri ah oo cusub toogasho ugu dilaysa saraakiisha wayaana ee ka howlgala dhulka ay cakdoonadu ka socdaan.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ayaa falal aar goosi ah kasameeya meelaha ay dharbaaxadu kasoo gaadho waxaana la xasuusan yahay dad badan oo ciidanka gumaysigu ay xasuuqeen kadib dilal loogaystay saraakiisha wayaanaha.

Si kastaba ha ahaatee dadka siyaasada Itoobiya falan qeeya ayaa sheegaya in ay shacabku ay guulo kagaadheen kacdoonkii ay mudada dheer usoo samreen waxaana muuqata in ay kooxda TPLF siwayn uga niyad jabsan tahay xaaladaha qalafsan ee wadanka kataagan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xog Cusub Kaaliyeyaashii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilal ka qabtay Gobolka Banaadir
- Jan 21, 2018
Kaaliyeyaashii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si lama filaan ah uga soo ...
Daawo Arooskii Qarnigan ugu cajiib sanaa ee Sooraan iyo Xaas kiisa
- Jan 21, 2018
Daawo Arooskii Qarnigan ugu cajiib sanaa ee Sooraan iyo Xaas kiisa
Waxaa Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.
- Jan 21, 2018
Ciidamada amaanka ee Afghanistaan ayaa xalay oo dhan la dagaalamayay koox maleeshiyo ah oo ...
Deg Deg Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir Iyo Ciidamo Lawareegay ..
- Jan 21, 2018
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ...
Baarlamaanka Maraykanka oo Ku Fashilmay Ansixinta Miisaaniyada.
- Jan 21, 2018
Xafiisyada iyo Hay’adaha federaalka Maraykanka ayaa wajahayaha dhaqaale la’aan kadib markii Xukuumadda iyo Xildhibaanada ...
Qalalaase Siyaasadeed oo Hadheeyay Muqdisho & Thabit oo Xilkii Laga Qaaday.
- Jan 21, 2018
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf cusub oo la sheegayo ...
Shirwaynihii TPLF oo Shorshe La’aan Ku Soo Dhamaaday.
- Jan 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in lasoo ...
War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land