Akhriso: Warbixinta Gabadhii La Faraxumeeyay iyo Sida ay wax u dhaceen.

Waa dareen Damqasho iyo xanuun badan oo ruux kaste oo arka ama maqla uu Jidhkiisu ka dubaaxinayo kana didayo waxa loo Gaystay Ridwaan oo ah 16-Jir Edeb Qurux iyo Qiimi Rabi isugu daray, waxaana Halkan aan ku faah faahinaynaa sida uu u dhacay Falkaasi arxanadarada iyo Axmaqnimadu ka buuxday.

• Gabadha Meeqo Ayaa Kufsatay?

6 wiil ayaa kufsaday, Midka ugu weyn waa 27 jir. Lixda mid kamid ah Suldaan ayaa dhalay, midkalana wuxuu la dhashay Ex-Xildhibaan Xoosh oo Barlamaanka Somaliya ka tirsanaa, marna wasiir noqday

• Falka Siduu u Dhacay ?

Habeen 20:00 ayey ahayd, Gabadha waxa ay dhoweyneeysay Gabar kale oo saaxibteed ah. 2 wiil ayaa jidka u galay, wey qash-qashaadeen. Kadibna Gaari cad ayaa yimid oo lagu qaatay gabadha la damacsanaa in la kufsado.

Waxa ay geysteen Baadiyaha magaalada Goldogob ee Puntand, Halkaas ayey ku fara xumeeyeen iyagoo 6 ah. Inka badan 3 saac ayey heysteen

• Gabadha Marka Hore Maxey Sameeysay?

Ridaaya Gabar qurux badan oo 16 jir ah ayey ahayd, xaafadeeda aad ayaa looga jeclaa. Edeb iyo asluub ayey laheed lakin Ragaan ayaa marar badan isku dayay in ay qasbaan, ayadana waaka diiday.

Markii dambe waxa ay go’aan ku gaareen in ay kufsadaan madama gabadha ay aad u qurux badneed.

• IYADOO MIIR DABOOLAN AYEY KUFSADEEN

Wey diiday inbadan in ay kufsadaan, kadib ayey tooreey lasoo baxeen, waxa ayna ku mudeen meelo badan oo jirkeeda kamid ah. Sidaas ayeyna gabadhii Ku suuxday, iyagana xaajadooda ay guda galeen

• Dhaawac Noocee ah Ayaa loo Geystay?

Gabadha Qeybta wadnaha, dhabarka, caloosha, Xubinta taranka, wajiga dhamaan mindi ayaa looga muday. Waana dhaawac halis ah hadda

Waxa ay ku jirtaa isbitaal Dhagacade ee magaaalada Gaalkacyo. Marka ay soo naaxdo iyadoo wax waalan oo kale ah ayey dadka ula hadashaa. Lakin inta badan waa qof iska miirdaboolan.

Dhaqaatiirta isbitaalka waxay sheegeen in gabadha caafimaadkeeda uu wali soo hagaagin, balse ay la tacaalayaan.

• HADALADA GABADHA MAXAA KAMID AHAA?

Marka sharafteeda lagu ciyaaray, waxa ay hooyadeed ka codsatay in ay iska iloowdo, waxa ay tiri “hooyo iyo aabe midna ma sheegan doono, aduun aan cadaalad ka jirin ayaan ku noolahay”.

• MUUQAALKA MARKII HORE SIDUU KU FAAFAY?

Lixda wiil ee inanta faraxumeeyay waxa ay ka qaadeen muuqaal lasoo galiyay website-yada lakin in laa faafiyo iyaga ma rabin ee Waxa ay uga qaadeen in markale ay ku xujeeyaan gabadha in ay u timaado oo hadana xaajad kale la galaan.

Mid kamid ah wiilasha ayaa muuqaalka wuxuu u diray gabar kale oo saxib ahaayeen, Gabadhaas ayaa muuqaalka faafisay.

• Puntland Waa Loo Diiday

Reerka ragii wax kufsaday ayaa diiday in dowlada Puntland ay soo dhexgasho arinta. Waxa ay sheegeen in labada reer ay iyaga dhexdooda ka hashiin doonaan

Madaxweyne C/wali Gaas wuxuu maanta sheegay in qolyaha falka geystay lasoo istaajin doono maxkamada, walibana gabadha ay heli doonto xaqeeda. Hase yeeshee reerka inamadii dhibta geystay ayaa wali diidan in lasoo dhexgalo.

• Aaway hada Ragii Dhibaatada Geystay?

5 kamid ah waxaa gacanta ku hayya Qoyska gabadha, mid kamid ah wuu baxsaday oo lama oga halka uu aaday.

Waxaa la leeyahay Sharciga diinta islaamka ayaa la marin doonaa lakin Abtiga gabadha la dhibaateeyay oo u hadlay VOS ayaa sheegay in ragaan oo aan la toogan in xaq uusan jirin.

• Dareenka Shukri

Shukri C/raxmaan Cabdullahi waa hooyada dhashay Gabadha. Dhiikar ayey iyadana la xanuunsaneeysaa, murugo ayaa heysa, waayo inanteeda yar ayaa si xun loo galay.

Maamo Shukri oo aan wacay waxa ay ii sheegtay in Odaygeeda iyo iyadaba ay la xanuunsan yihiin Kufsiga gabadhooda loo geystay.

• Faquuqa Xaafadda ay Dagan Yihiin

Inbadan qoysaska dariska la ah reerka dhibaatada soo gaartay ayaa la ii sheegay in ay faquuqaan oo ay wax ka sheegaan reerka iyo gabadhaba.

Maamada waxa ay ii sheegtay in Maanta wiil 11 jir ah oo gabadha la dhashay uu la dagaalay mid kale oo yar kadib markii uu ku yiri “walaashaa baa la kufsaday ee maxaad nagala hadli”.

Waana niyad jabka hada heysta qoyska dhibaateeysan.

• Gabadha Oo dil isku dayday iyadoo Xanuunsan?

Waxa ay damacday in ay toorey qaadato oo wiilashii mustaqbalkeeda ku ciyaaray ee hadana dhaawacay ee muuqal ka duubay ay soo disho lakin waalidkeed ayaa celiyay.

Ooyin iyo ciil iyo xanuun ayey hada la jiiftaa.

By:Zakariye Cabdicasiis.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...