Akhriso:Muxuu Cabdirixman Xoosh Jibriil kayidhi Kufsiga Gabadha oo Walaalkii kujiray.

Wasiirkii Hore ee Dastuurka mudo 14-sana ahna ahaa xildhibaan kujiray Baarlamaanka Somaaliya ayaa war Qoraal ah kasoo saaray Kufsiga ay Gabadha yar kula kaceen 6-Wiil oo uu kujiro Walaalkii.

Ex. xildhibaan Cabdirixman oo haatan magaalada Galkacyo ugu sugan Kiiska Foosha xun ee Walaalkii Qaybta kayahay ayaa Barta uu Facebook kuleeyahay waxaa uu ku muujiyay dareenkiisa waana kan Hoose Qoraalkiisa e Akhriso.

Uj: Kufsiga ka Djacay Galdogob

Waxaan asxaabteyda fb u sheegayaa in dadka lagu soo eedeeyay arrintaan foosha xun uu ku jiro wiil aan walaalo nahay oo 15 jir ah. Inta aan ka war qabo waa inta soo socta:

1. Markii u dagaalkii sokeeye dhacay, aabbahay Allaha u Naxariisto wuxuu ku haray waddanka, guursadayna, ilma badan aan walaalo nahay ay ka dhasheen guurkaas.

2. Wiilka arrintaan lagu soo eedeeyay waxaa ka yar hal gabar, kana weyn 3 will iyo gabar eey isku bah yihiin.

3. Kulli waa walaalaheey, aabbahii na wada koriyayna wuxuu geeriyooday October 30, 2016 Waa markii labaad aan tago Galdogob waligeey aniga iyo inta waaweeyn walaalaheey.

4.Mar laga jogo 3 usbuuc camal ayaa wiilal aan qaraabo nahay isoo waceen iina sheegeen in eey arrintaan foosha xun dhacday Waxaan wiilasha kula taliyay in arrintaan sharciga la marsiiyo.

4. Waxeey wiilasha ii sheegeen in ey arrintu dhex taallo wadaadada magaalada Galdogob, laakin eey ka fiican tahay in la marsiiyo dacwo madina ah lana kaashado, Duqa magaalada Mudane Ayaxle iyo dowlad goboleedka Puntland Waan ku raacay arrintaas waxaana uga digay inaan arrintaan xaal Somali lagu dhameeynin iyo hoos-hoos.

5. Dhowr maalmood kadib waxaan la hadlay Guddoomiyaha degmada Mudane Ayaxle oo aan ku iri arrinta sharciga ha loo wareejiyo, lagana saaro xeer Somali. Mudane Ayaxle wuu igu raacay.

6. Waxaa dhacday in ciidan Police ah oo Puntland ah eey yimaadeen magaalada maalma kadib uuna dalbay Mudane Ayaxle, laakin buuq lagu furay askartii, buuqaas oo ka yimid wadaadada oo ku andacoonaya in shareeco la marsiiyo. Askartii saas beey ku noqdeed.

7. Dadkii falkaan xun lagu eedeynayay waa xiran yihiin, aniga iyo reerkeygana waxaan taageersannahay in sharciga la marsiiyo ciddii lagu helo fal dambiyeed.

8.Marna aniga iyo walaalaheey ( oo gabdho u badan) ma difaaceeyno falalka noocaan oo kale in uu waddankeenna iyo meel kaleba ka dhaco.

9.Laakin waxaan rabnaa in dhowr natiijo kaso baxdo arintaan:

(a) In dambi baarsi fiican la sameeyo si loo xaqiijiyo siday wax u dhaceen.
(b). In ciqaab istaahisha falkaan xun la marsiiyo dadkii dambi ku caddaado.
(c). In dhibbanaha loo helo daawo caafimaad iyo counseling.
(d). In arrintaan oo kale la hubiyo in eey mar dambe dhicin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...
Xog Cusub :Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Tubta Siyaasada Loo dhan-yahay, loogana hadlay arrimo 
- Jan 18, 2018
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ...
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo
- Jan 18, 2018
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo ...
War Degdeg Bananbax baladhan oo Lagaga Soo Horjeedo Shirka
- Jan 18, 2018
DEG DEG Banan Bax Baladhan oo lagaga Soo Horjeedo Shirka Dhuuso Mareeb ee Lagu ...
Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia Hormarkeeda
- Jan 18, 2018
Sayid Maxamed baa dadka ugu geesisana isna waakii yidhi “adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa ...
Riwaayadaha Cabdi soo ma dhamaadan!!
- Jan 18, 2018
Maanta ayuu Cabdi iley kudhigay riwaayad uu iga sameeyey magaalada Qabridahar kuna qasbay ehelkayga ...
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
- Jan 17, 2018
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
Saraakiil Al Shabaab ah oo Lagu Sooqab qabtay Deegaanada Koonfur Galbeed
- Jan 17, 2018
magaalada Baydhabo ayaa laga soo sheegaaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka ...
Qormo Abdulaahi dheere wuxuu kamid Ahaa dhaluntii lagu gumaaday xasiiqiii qabridhare ilaahay qofkuu dilo ayaa dhinta Abdulaahi dheere wuxuu iishegay mar Aan kuwada xidhnayn jeel ogaden wuxuu indhihiisa ku Arkay Abdulaahi wuxuu yidhisidan
- Jan 17, 2018
waan jiifay marka uu dagaalku bilawday waxayna Ahayd xili duhur Ah waxaan kutoosay dhawaqii ...