Maqaal- Halganku mar walba kuuma dhigayo Darin cas ood ku dul socoto! By: Xaaji M/rashiid

Kahor intaana gaadhin biyo dhaca qoraalka aan akhristayaasha xusuusiyo Taariikh halgameedkii abid ugu qaalisanaa ee caalamka soo maaray kasoo ah War kalsooni buuxda lagu qabo. Nabi Muxammed SCW oo cimrigiisa 40kii u buuxsamay oo daganaa magaalada Makka ayaa waxaa ku bilowday cibaado rabi oo ku salaysan Fakar kaliya isagoo ka fakarayay inuu ogaado cidda Samada abuurtay ee dhulka gogoshay Duudahana ka dul taagtay, isla markaana dunida baaxaddan leh maamulaysa. Taasi waxay keentay inuu God ku xaroodo isagoo horay usii qaadan jiray sahay maalmeedkiisa. Waxaa maalin u yimid malaku Jibriil oo kasoo safray dhanka Samada isagoo wada hadiyad qaali ah (WAXYI) si loo baro ilaahay oo ahaa midkii uu mudada ka fakarayay sidaa darteedna uu Godka ugu xarooday!

Mudo kadib waxaa mar kale soo laabtay Malagii oo wada Awaamir faraysa inuu isu taago shaqo culus oo ah inay dadku joojiyaan Dulmiga ay ilaahay kagalayaan, kan ay Nafahooda ka galayaan iyo kay dadka ka galayaamba. Intaasi matahay wax dhimaal iyo wax laga xumaado? meeshii laga rabay inay gacmo furan ku qaataan naseexada ayay badalkeedii ku jawaabeen aflagaado iyo diidmo qayaxan. Waxay arintaasi noo ifinaysaa in cid kasta oo u dhaqaaqda halgan xaq ah iyo inay dadka danahooda usheegto aan lagu soo dhawayn doonin Darin cas oo dhulka loo dhigay.

Wadanka Ogadenya ee khayraadka iyo barwaaqadu ceegagaan, balse dadkiisu ka soomanyahay waxaa kasocda halgan siyaasadeed oy hogaaminayaan Aqoonyahano meel dheer wax ka arkay oo diidaday inay xoogaa luf luf ah ku badashaan qadiyadooda. Waxaa si wayn u taageersan dhamaan waxgaradka gayigaas kasoo jeeda iyo sido kale waxgarad kasoo jeeda jamhuriyadda somaliya. Guumaystaha waqtigan fashilka dhex fadhiya ee Woyaanuhu horboodayo ayaa caado u uleh inuu abuuro kolba hagardaamo cusub oo dhaxalsiisa khasaare iyo inuu Farta dhexda ka qaniino.

Qadiyada aan Qalinka ku dul hayo hadaan dadkeeda yara faaleeyo- Marka hore waxaan bogaadinayaa geeddi socodka halganka iyo shacabwaynihiisa wax walba hurayaalka ah. Marka labaad waxaan wada ognahay inayna dadku isku wada darajo noqon karin hadii laga eego dhanka Nafhurka, dhanka maal hurka iyo dhanka maskax hurkaba. Waxaa kale oy ku kala duwanaan karaan dhanka adkaysiga Madaama uu halganku shabaho Orodka maaradoonka ee ruuxba tabartiisu meel dhigto. intaana sii dhex makhuuranin qoraalka aan ku dhawaaqo- ilaahay Naxariis waasic ah ha siiyo intii u shahiiday mada’a xoraynta dalkaas, Inta dhaawacantayna ilaahay ha boogo dhayo, Inta u xabisana Faraj ha u furo. Aamiin.

FADLAN KUSII NASO TIXDAN KOOBAN–

HALGANKII WAXBADAN SOO SOCDEE HADAFKII SOO GAADHAY
HAWLWADEENO QAALIYI WAXAY SOO HAWADIYAAMBA
HURDOSEEG HABEENIYO WAXAY HIIRTA KACAYEEMBA
HADHSIGII DHARAARNIMO WAXAY HORAY UDHAAFAAMBA
HAASAAWE IYO SHEEKADA WAXAY KALA HALMAAMAAMBA
CIIDANKII HABAYSNAA WAXAY HEEGAN GALIYAAMBA
CADOWGII HALKUU JIRAY IYO WAXAY HOLACA JIIDHAAMBA
HUBKOODII CABAYSNAA WAXAY KAGA HILAACSHAAMBA
KOL HADAY INTAASIBA JIRAAN IYO HEER KALOO BADANI
HALYEEYADU INAY GOOLKA DHALIN HUBANTI WEEYAANE

Dadwaynaha u nasab sheegta halganka Ogadenya waxaan u sheegayaa in cid walba oo hal tilaabo halgameed horay u qaadda ay noqonayso mid aan la xaqiri karin, maxaa yeelay Biyaha Bad-wayntuba waxay ka koobanyihiin Dhibicyo la isu geeyay. Waxaa lagu ducaystaa ilaahayow khaatumada noo suubi, sababtuna waxaa weeye waa Ruuxii oo in badan dariiq wanaagsan kusoo noolaa oo markii cimrigiisa wax yar uun ka hadhay ku dhaqaaqay fal xun oon horay noloshiisa usoo marin kadibna sidaa ku dhintay.

Daba dheeraanshaha halganka xaqa ah oon aaminsanahay inay xikmad Rabaani ahi kujirto ayaa sababay in dadka qaarkii ku dhaceen Dabinkii guumaystaha, kumana taliyeen in lasii fogeeyo oo caadifad lagala dul dhaco ee waxaan taa badalkeeda odhan lahaa mar walba haloo gudbiyo Baaq naxariiseed. Waxaa jira qaar loo xoog sheegtay oo qori afkii loo adeegsaday kuwasna hadalkoodu waxa kasoo qaad maleh. Waxaan hubaa inay jiraan kuwo iyaguna cabsanaya, balse niyadoodu Habeen iyo Maalimba halganka ku lifaaqantahay.

Guumaystuhu wuxuu abaabulay canaasiir iyo saxaafad kuwajahan halgamaaga taasoo lagu dhaleecaynayo Madaxda halganka, Kaadirkiisa iyo Ururada bulshada intaba. Halgamayaal ma kolbaa guumayste amaan iyo naxariis laga sugayay! Fadlan shaqsiga halganka ku daalayow nasashadaada ku ekow hungurina yuuna kaa galin inaad cadowga hoostiisa nasniiyo ka raadiso! Naftu way jecshahay in mar walba lagu soo dhaweeyo Darin cas oo dhulka loo dhigay, laakiin taasi waa halganka kadib iyo waqtiga xornimada, wayse jirtaa inaad maalin farxad kala kulamayso Halganka maalina naxdin!

Isku soo wada duuboo dadka u dhuun duleela siyaasada itoobiya waxay Carrabka ku adkaynayaan in dawladaha burburi doona ay itoobiya safka hore kaga jirto, Qowmiyaduhuna u baraarugeen si aan horay loo arag, qolo walabana ay taqaano meeshay Usheeda kajari doonto.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xog: Farmaajo Oo Gaaray Dhuusa Mareeb
- Jan 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ...
Deg Deg Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo Ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho.
- Jan 16, 2018
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka ...
Daawo Heestii Ugu Yaabka Badnayd Dadka Dhan Dhinac U Wada Tuurtay
- Jan 16, 2018
Waxaan Idiin Soo Gudbinaynaa Heestii Aduunka Ugu Yaabka Badnayd oo Daadka dhinac isku wada ...
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
- Jan 16, 2018
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu aaso fanaanada Dalka Soomaaliya si iiro lehna uga Tacsiyeeyay.
- Jan 16, 2018
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu ...
Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii Madaxwayne Farmaajo.
- Jan 16, 2018
/Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii ...
TPLF oo Shirar Ku Waalatay & Qorshe Ay Kawadaan EPRDF.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Taliska Wayaanaha oo Khal Khalay & Ciidamo Uu Geeyay Xuduuda Sudan.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanaha ay lasoo ...
Turkiga oo Maraykanka Ku Eedeeyay Inuu Dhibaato Ka Abuurayo Suuriya.
- Jan 16, 2018
Isbahaysiga ku lugta leh dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub ...
Hogaanka Falastiin oo Ku Gacan Saydhay Qorshaha Trump.
- Jan 16, 2018
Madaxa Ismaamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka ...