Sir culus: Hadhaagii kooxda Itixaad oo ku Howlan Qorshe Cabdi iley kadhan ah.

Hadhaaga kooxdii bur-burtay ee Al-itixaad labaxay UWSLF ee maamulka Woyanaha isu dhiibay sanadkii 2010, oo Khilaaf xoogani kala dhexeeyo Horjoogaha maamulka Jigjiga ayaa ku Guda Jira Ol’ole balaadhan oo ay kudoonayaan inay meesha kaga saaraan Horjooge Cabdi iley.

Khilaafka Labada dhinac ayaa Sababay inay inta badan Saraakiishii UWSF(Al-Itixaad) ka  cararaan Guud ahaan Ogadenia, waxayna soo dhowayn aan diiranayn kaheleen maamulka Woyanaha oo u Ogolaaday inay salka dhigtaan magaalada Addis ababa, waxayna iyaga oo Garab kahelaya saraakiil katirsan sirdoonka Woyanaha Hawlahooda si Gaabis ah uga wateen magaalada Addis ababa.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay Gaashaan buuraysteen Horin Horay uga tirsanaa maamulka Jigjiga oo iyaguna ka cararay Horjooge Cabdi iley, kuwaasi oo Addis ababa iska xaadiriyay xiliyo kala dambeeyay waxayna Labadaasi Garab si Joogta ah dacwado kadhan ah Kooxda Jigjiga ugu Gudbinayeen cid kaste oo ay Aaminsan yihiin inay wax uun Yeeli karto si meesha looga saaro Horjooge Cabdi iley.

Labada koxood  ee Heshiiska ku ah la dagaalanka kooxda Jigjiga ayaa 2-dii bilood ee u damabaysay waxay xoojiyeen dadaalkooda ay kudonaayaan inay kaga Takhalusaan Kooxda Jigjiga oo Laf dhuun Gashay kunoqotay, waxayna  kooxahani fursado badan ka helayaan Laanta sirdoonka ee maamulka Woyanaha oo Qaab Laba Wajiilenima ah kusocota.

Saraakiisha sirdoonka Woyanaha ayaa Hadhaagii kooxda Itixaad waxay si dhow ugala shaqeeyaan arimaha Gudaha wadanka Somaaliya oo xogaha uga soo Gudbiyaan, waxayna taasi u sahashay Hadhaaga kooxda Itixaadka in la maqlo warkooda ugu yaraan loo fuliyo dalabkooda laxidhiidha is badal lagu sameeyo maamulka Jigjiga, halka kooxda kale Hore maamulka uga tirsan ay iyaguna xoojinayaan dalabka Jawaasiista kooxdii Itixaad kahadhay.

Marka laga  gudbo wada shaqeynta labadaasi koxood ayaa waxaa  bilihii la soodhaafay  xoogeystay Hadhaagii Itixaad oo dardar horle oo shirar qar soodi ah ku Qabsanaya Magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi.

Waxaa Jira shakhsiyaad kooban oo katirsan kooxdii Itixaad oo wali kusugan magaalada Jigjiga lana shaqeeya Kooxda Kililka ku magacaaban, waxay se shakhsiyaadkaasi Qaab sirdoon ah xogta ugu Gudbiyaan oo si Joogta ah ugu xidhan yihiin xubno katirsan Horjoogayaashii kooxda oo ku kala sugan dalalka Geeska Africa gaar ahaan magaloyinka, Nairobi, Hargaysa, Muqdisho Kismaayo Garissa iyo meelo kale.

Magaalada Nairobi waxay kooxda Joofgta oo ah kuwa ugu fir-fircoon ku Qabsadeen shir Qarsoodi ah, waxaana shirkaasi soo xaadiray shakhsiyaadka ugu miisaanka culus oo ay kamid yihiin.

Sheekh Ibraahin Dheere Gudomiyaha UWSF.

Khaalid Sheekh Abdullahi-Taliyha Sirdoonka Jubbaland.

Sheekh Axmed Nashaad Gudomiyihii Golaha dhexe

Jacfar Sheekh Cali Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI-Kenya.

Ahmed Nuur Sahal-Hogaanka Dhaqaalaha UWSLF.

Iyo dhowr Sargaal oo kale,waxaana shirka si Toos ah oo loogu Lafa Guray Qaabka iyo sida ugu Haboon ee Cabdi iley meesha looga saaro karo, waxaana shirku uu daba socday shirar Hore uga dhacay magaalada Hargaysa iyo waliba Muqdisho.

Xogtan oo aad u xasaasi ah Qaybaheeda dambe kala soco Ogaden24 hadii Alle Idmo

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...