Woyanaha oo shir deg dega isugu keenay Wadaadada Diimaha Itobiya.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in  kooxda TPLF ay isugu yeedhay hogaamiye yaasha diimaha ee dalka Itoobiya iyagoo raadinaya bal in ay xal uun u helaan daminta kacdoonada.

Sida aan lawada socono kooxda TPLF ayaa geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay sidii ay u damin lahaayeen kacdoonada mudada sanadka iyo badhka ah ka socda qaybo badan oo wadanka ay gumaystaan ah.

Kooxda ayaa isticmaashay awood kasta oo ay isleeyihiin kacdoonka waad kuxakamayn kartaan waxayna adeegsadeen taangiyo iyo diyaarado halka dilka, kufsiga, dhaca iyo xidhayguna ay ahaayeen kuwo aan lookala miidaan dayaynin.

Sidoo kale kooxda ayaa damacday in ay dhaqaale ku furfurto kacdoonka iyadoo dadwaynaha iyo hogaamiye yaasha qabiilada iyo kuwa mucaaradkaba ku beer jileecsatay in ay dhaqaale badan siin doonaan taas oo noqotay mid aan dhag jalaq loosiinin.

Dhinaca kale kooxda ayaa kacdoonada u adeegsatay qorshayaal dhinaca siyaasada ah hase yeeshee waxaa maalinba maalinta kadambaysa la arkayay qoomiyad horleh iyo koox hor leh oo kusoo biiraya kacdoonada.

Hadaba arintan cusub ee hogaanka diimaha ay isugu yeedheen ayaa umuuqata geela wadhaf malagu dayay mana jiro wax rajo ah oo laga qabo in ay xal uhelaan daminta kacdoonada oo ay wadaan dadwayne xoriyad doon ah.

Dhinaca kale dadka ay kooxdu shirka isugu keentay ayaa ah kaadir iyaga ushaqeeye waxaana lasoconay in hogaame yaashii diimuhu qaarkood ay xidhan yihiin halka kuwa kalana ay dalka kabaxsadeen.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa umuuqata qof buka boqol utalisay mana jirto rajo laga qabo in xili xaadirkan laxakameeyo dadwaynaha cadhaysan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...