Horjooge Cabdi iley oo ku Guda Jira Furdaaminta kooxdii Addis ababa kaga Fashilantay.

Madaxa maamulka Jigjiga oo maalinkii 4-aad kusugan magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itobiya ayaa xusul duub ugu Jira sidii uu u Furdaamin lahaa Horin kamida maleeshiyada Hawaarinta oo 7-dii bishani uu ka fashilmay iskuday ay kudoonayeen inay ku Af duubtaan Qaar kamida shakhsiyaadka colaadu kala dhaxayso Cabdi iley.

Maleeshiyada kuxidhan magaalada Addis ababa oo tiradoodu tahay 15-ayay maxkamad kusheegta maamulka Addis ababa dhagaysatay markii ugu Horaysay Kiiskooda 11-kii bishan, waxaana mar kale la Horgeeyay isla 17-kii bishan xiligaasi oo Horjooge Cabdi ileyna kamid ahaa dadkii xaadiray dhagaysiga Kiiska maleeshiyada.

Sida warka aanu kuhelayno Horjooge Cabdi iley ayaa u arka xukun lagu Rido maleeshiyadan mid dhiiri Galin doona kooxaha kala duwan ee kasoo Horjeeda, si taasi ayna u dhicin uuna u muujiyo inuu awood kudhex leeyahay Addis ababa ayaa laxaqiijinayaa inuu Lacag tira badan kubixinayo furdaaminta maleeshiyadaasi.

Marka laga yimaado Furdaaminta maleeshiyada lagaga dhagan yahay ayaa waxaa Horjooge Cabdi iley uu dadaal ugu jiraa sidii uu u Ogaan lahaa halka uu marayo Qorshaha is badal ee maamulka Woyanuhu wado iyo saamaynta laga Yaabo inuu kooxdiisa kuyeesho.

Isku soo wada duube safarka Cabdi iley ayaysan Qayb ka ahayn xaalada Abaareed iyo colaadeed ee kajirta wadanka Ogadenia, waxaana uu kudoodayaa inaysan deegaanka kajirin wax abaar ah balse arinku yahay Jiilaal daba dheeraaday ayna iyagu ka maamul ahaan wadaan Biyo dhaamin iyo Caws Gaadhsiin meelaha Jiilaalka kululi kajiro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Banaanbixi ugu waynaa oo looga soo horjeedo RW Itoobiya Abiy Ahmed oo Ka dhacay Gobolka Ogaden.
- Jul 19, 2018
Daawo:Banaanbixi ugu waynaa oo looga soo horjeedo RW Itoobiya Abiy Ahmed oo Ka dhacay ...
Daawo:Waxyaabihii ay kawada hadleen Farmaajo,Faysal A Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh
- Jul 19, 2018
Daawo:Waxyaabihii ay kawada hadleen Farmaajo,Faysal A Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh
Deg deg Daawo:S/land iyo P/land oo maanta maxaabiis lakala wareegay iyo Goobtii oo Dagaal isu bedeshay Gacana la isu qaaday.
- Jul 19, 2018
Daawo:S/land iyo P/land oo maanta maxaabiis lakala wareegay iyo Goobtii oo Dagaal isu bedeshay ...
Deg Deg Dhalinyaro  Soomaali ah oo lagu xiray dalka Canada
- Jul 19, 2018
Ciidamada la dagaalanka hubka iyo burcada dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay oo xiray ...
Daawo Raisal Wasaaraha Ethiopia Oo Ciidamo Xoogan U Diray Furinta Dagaalka Ee Somalida Iyo Oromada
- Jul 19, 2018
Waxaa Gumaad Kasocadaa Dhamaan Xuduuda Ay wadaagaan Qoomiyadaha Soomaalida Iyo Oromada Hadaba Raisal Wasaaraha ...
DAAWO XOG CUSUB Maxay ka Wadahadleen MD Farmaajo Iyo Faysal A Waraabe
- Jul 19, 2018
Waxaa Shirka Brussles Tagay Faysal Ali Waraabe Oo Ah Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Ucid Ee ...
Daawo Shukri Jaamac Ayaa ku Guuleysatay abaalmarinta hal abuurka gabdhaha da’da yar ee BBCSomali
- Jul 19, 2018
Waa Tartan Sannad le ah Oo Ay BBC Du Qabato Waxaana Kuguulaysatay Shukri Jaamac ...
Jaaliyada Ogadenya ee Nairobi oo Shirtay & Qalbidhagax oo kaqayb Galay.
- Jul 19, 2018
Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa kasoo ...
War Deg Deg ah:Diyaaradii ugu Horaysay oo Rakaab 456 Ethiopian ah sida oo Asmara u duushay.
- Jul 18, 2018
Wararka aan ka helayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka uu bilowday isu socodkii ...
Deg Deg: Qawmiyada Sidaama oo kilal Gooni ah ku Dhawaaqday.
- Jul 18, 2018
Wararka nagasoo gaadhaya gumaysiga Itoobiya gaar ahaan gobalka Shucuubta konfured ayaa sheegaya In golaha ...