Liyuuga Kililka oo maleeshiyada Oromadu uga itaal roonaatay dagaaladii u dambeeyay.

Waxaa Todobaadkii 2-aad Galay dagaalada Fool ka Foolka ah ee u dhexeeya maleeshiyaadka Liyuuga loo Yaqaano ee maamulada Somaalida iyo Oromada, kuwaasi oo dagaalo khasaare badan Gaystay ay ku dhex mareen dhul aad u kala Fog.

Wariyaha Ogaden24 e magaalada Jigjiga ayaa sheegay 3-kamida dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray 2-da maleeshiyo maamul in khasaare xoogan lagu Gaadhsiiyay maleeshiyada Kililka 5-aad, waxaana Jabka maleeshiyada si iskumid ah looga dareemay inta badan magaloyinka waawayn ee Ogadenia.

Boqolaal maleeshiya oo sida wariyuhu sheegay looga itaal roonaaday dagaal 14-kii bishan kadhacay Galbeedka magaalada Salaxaad, ayaa firxad badan oo maleeshiyada Liyuuga katirsan waxaa u Gurmaday dadka shacabka ah ee deegaanka, waxaana qaar badan oo maleeshiyada ah lahelay iyaga oo daadiyay Qoryihii ay wateen.

Magaalada Baabili duleedkeeda 54-maleeshiyada Liyuuga ah oo maamulka Kililku Geeyay ayaa Gabi ahaan Hub kudhigis waxaa kusameeyay maleeshiyada Oromada oo Garab kahelaya ciidamada Woyanaha ee magaalada Baabili oo uu xukumo Taliye kasoo Jeeda Qomiyada Amxarada.

Sida wariyuhu sheegay ciidamada Hub kadhigista lagu sameeyay ayaa Qayb ka ahaa maleeshiyadii dagaalka kula gashay maleeshiyada Oromada deegaanka Koore, waxaana dagaalka kadhacay Koore looga maleeshiyada Oromada oo baqihii u galay ciidamada Woyanaha.

Hub kadhigta lagu sameeyay maleeshiyadan kudhowaad 60-ka ah ayaa siwayn u Gilgishay magaalada Jigjiga waxaana warku sheegayaa in saraakiisha ciidamada Woyanaha Jigjiga oo arinka lasocda aysan wali wax Talaaba ah Qaadin, taasi oo muujinaysa inay aad ula dhacsan yihiin sida wax u socdaan.

Dhinaca Gobolka Afdheer oo isna dagaalo khadhaadhi ay kudhex marayaan Labada maleeshiyo maamul ayaan xog dhab ah lagahayn, balse wararka magaalada Jigjiga Yaala ayaa ah in dagaalada Aagaasi oo ay Qayb kayihiin shacabka deegaanku ay ku Gacan sareeyaan maleeshiyaadka Somaalidu.

Dagaalada u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo si saf balaadhan ah uga socda inta badan deegaamada ay Labada Qomiyadood wadaagaan, ayaa waxaa dabada kariixaya Taliyayaasha ciidamada Woyanaha oo Qorshahoodu ugu muhiimsani yahay in kacdoonkii Oromada kala soo Horjeeday kooxda TPLF uu meesha kabaxo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Wadahadalka Onlf iyo Ethiopia Dexmarahaya
- Jan 18, 2018
Si guud arrin wanaagsan baan u arkaa inay dadku aragtidooda ka dhiibtaan wada-xaajoodka ...
Maqaal: wadahadalku waa isfahanka labada dhinac ee is haya.
- Jan 18, 2018
Halganka Ogadenia waxaa lagu waayay hanado, halyeeyo, geesiyaal, birmagaydo caan ahaa, hanti iyo dhaqaale ...
Xog Cusub :Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Tubta Siyaasada Loo dhan-yahay, loogana hadlay arrimo 
- Jan 18, 2018
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ...
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo
- Jan 18, 2018
Live Ula Soco Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Farmaajo iyo Dulmiga uu Galmudug Ku Hayo ...
War Degdeg Bananbax baladhan oo Lagaga Soo Horjeedo Shirka
- Jan 18, 2018
DEG DEG Banan Bax Baladhan oo lagaga Soo Horjeedo Shirka Dhuuso Mareeb ee Lagu ...
Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia Hormarkeeda
- Jan 18, 2018
Sayid Maxamed baa dadka ugu geesisana isna waakii yidhi “adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa ...
Riwaayadaha Cabdi soo ma dhamaadan!!
- Jan 18, 2018
Maanta ayuu Cabdi iley kudhigay riwaayad uu iga sameeyey magaalada Qabridahar kuna qasbay ehelkayga ...
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
- Jan 17, 2018
Daawo: Puntland :Qarjab oo sheegay inay Ciidamo Gaynayaan Tukaraq
Saraakiil Al Shabaab ah oo Lagu Sooqab qabtay Deegaanada Koonfur Galbeed
- Jan 17, 2018
magaalada Baydhabo ayaa laga soo sheegaaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka ...
Qormo Abdulaahi dheere wuxuu kamid Ahaa dhaluntii lagu gumaaday xasiiqiii qabridhare ilaahay qofkuu dilo ayaa dhinta Abdulaahi dheere wuxuu iishegay mar Aan kuwada xidhnayn jeel ogaden wuxuu indhihiisa ku Arkay Abdulaahi wuxuu yidhisidan
- Jan 17, 2018
waan jiifay marka uu dagaalku bilawday waxayna Ahayd xili duhur Ah waxaan kutoosay dhawaqii ...