Volcano ka Qarxay Buur Gobolka Qoraxay kutaala iyo dhul Gariir laga dareemay deegaamo Jarar katirsan.

Wararka naga soo Gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in Habeen Hore Daryaanka Qarax aad u wayn  oo wata Holac laga maqlay lagana arkay meelo kamida Gobolka Qoraxay ee wadanka Ogadenia.

Qaraxa oo kadhacay Buur lagu magacaabo Jiic ayaa Daryankiisa iyo Holaca kabaxay waxaa lagu sheegay Volcano waxaana warku sheegayaa in cabsi xoogan iyo argagax uu Qaraxaasi ku beeray dadkii Ag-dhowaa Aaga Buurta, taasi oo keentay in isla Habeen Hore ay dadkii Xoola dhaqatada ahaa ee Aagaasi daganaa cabsi darteed Xoolahooda laqaxaan.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo kadhashay waxa loogu Yeedhay Volcanaha ee ka Qarxay Buurta Jiica oo katirsan Gobolka Qoraxay, waxayna noqonaysaa markii ugu Horay ee Qaraxan noocan ah uu kadhasho Buuraha Ogadenia kuyaala.

Dhinaca kale war aanu kahelay magaalada Dhagaxbuur ayaa isna waxaa uu sheegayaa in isla Habeen Hore Dhul Gariir laga dareemay meelo kamida Gobolka Jarar gaar ahaan degmada Dhagaxbuur.

Sida warka aanu kuhelay dhul Gariirka si Toos ah loogama dareemin magaalada balse deegaamo dhawr ah oo kabaxsan magaalada Dhagaxbuur, ayaa si iskumid ah looga dareemay Dhul Gariirka kaasi oo dad deegaamo kala durugsan kusugnaa ay wada xaqiijiyeen.

Lama xaqiijin karo in Vocanaha Ka Qarxay Buurta Jiic iyo dhul Gariirka laga dareemay meelaha kamid ah degmada Dhagaxbuur ay xidhiidh leeyihiin, balse dhul Gariirka ayaa inta badan laga dareemi jiray meelo kamida Gobolka Faafan gaar ahaan deegaaamada xadka dhinaca Somaaliya iyo magaalada Jigjiga oo uusan ku badnayn.

Labadani dhacdo ee isku Habaynka kadhacay Gobolada dariska ah ee Qoraxay iyo Jarar ayaa laga Hadalhayaa magaloyinka waawayn ee wadanka Ogadenia, waana arin ku cusub inta badan bulshada ree Ogadenia oo haatan siwayn uga walaacsan una arka masiibo ay tahay in laga Alle Baryo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xog Cusub Kaaliyeyaashii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilal ka qabtay Gobolka Banaadir
- Jan 21, 2018
Kaaliyeyaashii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si lama filaan ah uga soo ...
Daawo Arooskii Qarnigan ugu cajiib sanaa ee Sooraan iyo Xaas kiisa
- Jan 21, 2018
Daawo Arooskii Qarnigan ugu cajiib sanaa ee Sooraan iyo Xaas kiisa
Waxaa Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.
- Jan 21, 2018
Ciidamada amaanka ee Afghanistaan ayaa xalay oo dhan la dagaalamayay koox maleeshiyo ah oo ...
Deg Deg Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir Iyo Ciidamo Lawareegay ..
- Jan 21, 2018
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ...
Baarlamaanka Maraykanka oo Ku Fashilmay Ansixinta Miisaaniyada.
- Jan 21, 2018
Xafiisyada iyo Hay’adaha federaalka Maraykanka ayaa wajahayaha dhaqaale la’aan kadib markii Xukuumadda iyo Xildhibaanada ...
Qalalaase Siyaasadeed oo Hadheeyay Muqdisho & Thabit oo Xilkii Laga Qaaday.
- Jan 21, 2018
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf cusub oo la sheegayo ...
Shirwaynihii TPLF oo Shorshe La’aan Ku Soo Dhamaaday.
- Jan 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in lasoo ...
War Degdeg Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Holka Laga Qaaday Loons Magacaabay
- Jan 21, 2018
Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow Deg'Deg Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goor dhow ...
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa’id ee Muuse Biixi
- Jan 20, 2018
Deg Deg Daawo Shirkii Jaraa'id ee Muuse Biixi oo  dhinacyo badan taabanaya
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land
- Jan 20, 2018
Daawo doorashadii Madaxweynaha Ismaamulka Banaadir Land