Bangiyada Itobiya oo inay musalafaan Qarka u saaran.

Guud ahaan suuqyada magaalada Addis ababa ee wax lagu kala iibsado waxaa Hadheeyay walaac xoogan oo kadhashay siyaasad cusub oo maamulka Woyanuhu u dajiyay Bangiyada iyo sarifka Lacagaha Qalaad ee muhiimka ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sicirka sarifka ee magaalada Addis Ababa uu cirka isku shareeray kadib markii laga waayay Bunuugta kala duwan ee ka hawl gala magaalada Addis Ababa lacagta adag ee doolarka maraykanka ah, taasi oo adkaysay dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee Ganacsatada magaalada Addis ababa oo inta badan dibadaha kuxidhan.

Ganacsatada iyo maalgaliyeyaasha caalamiga ah ayaa wixii hanti utaalay dalka Itoobiya kala baxay kadib markii uu wadanka hadheeyay kacdoonadii ay shucuubta ku hoos dulman Woyaanaha saameeyeen, kuwaasi oo guud ahaan maciishada iyo xasiloonida dalka u horseeday khatar iyo inay adkaato helitaanka lacagaha adag ee ganacsatadu dibada wax kaga soo iibsan jireen.

Dhinaca kale Bangiyada ayaa ku dhawaaqay inaysan wax kaash ah oo ay bixiyaan aysan khaznadaha bangiyada oolin taasoo walaac iyo walwal badan ku abuurtay macaamiishii kala duwanaa ee hantidu utiilay bangiyada.

Waxaa kaloo arintan sii murgiyay markii ay masuuliin Woyaanaha kamid ah hantidii shacabka boob badheedh ah ku qaadeen kadibna ay wadanka dibadiisa ula baxsadeen.

Warku waxaa uu sheegaya in suuqyada madoow ee magaalada Addis Ababa lagu kala sarifanayay maalmahan qiimihii ugu sareeyay Lacagta dollarka, waxaana Halkii dollar uu gaadhay 28 Birr Ka Itoobiya ah hadiiba la arko doolarka Maraykanka.

Sidoo kale maciishada ayaa cirka isku shareertay kadib sicir barar balaadhan oo guud ahaan wadanka hadheeyay marka laga yimaado shidaalka oo haatan cidhiidhi kujira, waxaa meeshii ugu saraysay gaadhay Qiimaha maciishada daruuriga u ah dadka Itobiyanka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...