Gabadh ree Ogadenia ah oo Gabaatiga ama Sooryadii Guurkeda ugu deeqday Agoonta Ogadenia.

Inkasta oo halganka Ogadenia ka socday mudada 32-da sano ah loo huray naf iyo maal badan oo si hagar la’aan ah ay u bixinayeen halgamayaal rag iyo dumar isugu jira hadana waxaa todobaadkan mar qudh ah soo if baxday arin ku cusub halganka dhexdiisa oo ay sameeyeen xubno u dhashay wadanka Ogadenia.

Xamdi Cabdulaahi Maxamuud waa muwaadinad u dhalatay wadanka Ogadenia kuna nool wadanka Holand ee qaarada Yurub waxayna ku dhaqaaqday talaabo kudayasho mudan oo aan horay loogu arag xubnaha halgamayaasha ah ee unasab sheegta Soomaalida Ogadenia.

Xamdi Cabdulaahi ayaa dhawaan meherkeedu kadhacay wadanka Maraykanka oo uu kunoolyahay lamaanaheeda ay is xusheen oo lagu magacaabo Cabdulaahi Laayaan waxayna Marwo Xamdi go’aansatay in ay gabaatigeeda ama sooryadeedii qaataan agoonta Soomaalida Ogadenia ee aabahood kuwaayay halganka kasocda Ogadenia.

Xamdi oo kaashanaysa aabaheed Cabdulaahi Maxamuud oo siwayn arintan ugu taageeray ayaa agoonta Soomaalida Ogadenia ee kusugan xeryaha Dhadhaab gaar ahaan Xagardheere usoo dirtay lacag gabaati ah oo dhan 500 oo Dooller (500$) waxaana lacagtaas looqaybiyay qaar kamid ah agoonta danyarta ah ee ree Ogadenia.

Hooyooyinka dhalay agoonta maanta laga farxiyay ayaa duco iyo hambalyo isugu daray qayska cusub ee Cabdulaahi iyo Xamdi iyo waalidkood oo uu ugu horeeyo aabo Cabdulaahi Maxamuud.

Bahda warfaafinta Soomaalida Ogadenia ayaa ugu horaynba hambalyo leh Xamdi iyo saygeeda waxayna bahda warfaafintu dhiiri galinaysaa in wadadan kudayashada mudan ay maraan dadbadan oo qurba joogta Ogadenia ah.

ONA Xagardheere.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...