Maamulka oo 28-Guri ku wareejiyay saraakiil iyo Ganacsato Tigree ah+sawirada.

Maamul kusheega Kililka ayaa Guryihii ugu badnaa oo laga dhisay magaalada Jigjiga waxaa uu ku wareejiyay dad kasoo Jeeda Qomiyada Tigreega oo isugu Jira saraakiil dhex oo ciidan iyo Ganacsato.

Guryahan oo laga dhisay xaafada 6-aad ee magaalada Jigjiga Qaybna ka ah tiro Gurya ah oo lagu dhisay Hantida Ummada, ayaa Qorshaha loo dhisay waxaa markii hore lagu sheegay in laga Kiraynayo dadka u shaqeeya maamulka balse waxaa haatan si lahaansha ah loogu wareejiyay saraakiil iyo Ganacsato aan wax baahi ah u Qabin.

Dhulka Guryaha lagu wareejiyay Tigreega laga dhisay ayaa waxaa laga barakiciyay dad danyar ree Jigjiga ah oo lawada Yaqaano, kuwaasi oo haatan daafaha magaalada kadhistay Buulal aan Qabawga dhaxanta ka celin karin ayna haysato duruuf aad u adag.

Guryahan oo sida warka uu nagu soo Gaadhsiiyay wariyaheena magaalada Jigjiga dhacday 18-kii bishan ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa xubno katirsan maamul kusheega Kililka oo ay ugu Horayso Ayaan Maxamed oo ku magacaban maareyaha Horumarinta Guryaha ee Kililka.

Saraakiisha Tigreega ah ee lagu wareejiyay Guryaha ayaa ah kuwo dhowaan Tababar loogu soo xidhay xerada Garab case ee magaalada, halka shakhsiyaadka weheliya ee Ganacsatada ahna ay yihiin kuwo kasoo Qaxay dhulka Oromada oo horay ay ugu lahaayeen Guryo iyo Ganacsiyo kala duwan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia
- Jun 23, 2018
Daawo Doodii Galabta Oo Muran Iyo Buuq Dekedihii Lagu Wareejiyey Ethiopia HALKAN KADAAWO
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay Adis Ababa
- Jun 23, 2018
Daawo Yaa ka dambeeyey Qarixii Uu ka Badbaaday Raisal Wasaaraha Ethiopia Ee ka Dhacay ...