Cabdi iley oo diyaarad uu Addis ababa karaacay isagoon kadigin dib ula noqday.

Madaxa maamulka Jigjiga ayaa si dhuumasha ah kaga baxay magaalada Addis ababa isaga oo sii raacay diyaarada Rakaabka ee u baxda Gobolada wadanka Ogadenia.

Horjooge Cabdi iley ayaa kadib markii ay fashilmeen wada hadalo u dhexeeyay isaga iyo Horjoogaha maamulka Oromada Habeenimadii Sabtidu soo galaysay, waxaa uu isla subaxnimadii Sabtida Horay karaacay diyaaradii u baxaysay Jigjiga.

Bixitaanka Cabdi iley oo la ogaaday xili ay diyaaradu Gashay Hawada magaalada Diridhaba ayaa lagu amray inuusan kadagin diyaarada ee uu isla iyada dib ugu soo noqdo, waxaana uu magaalada Jigjiga sii joogay intii diyaaradu kasoo Laabanaysay magaalada Godey, taasi oo markii duhurnimadii ay kusoo Laabatay Jigjiga uu dib ugu raacay Addis ababa.

Amarka khasabka ah ee Horjooge Cabdi iley dib loogu celiyay magaalada Addis ababa ayaa kasoo baxay xafiiska Xayle Maryan, waxaana sida xogta aanu helay sheegayso amarkaasi ku xumaaday saraakiisha ciidamada Woyanaha oo xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyo Cabdi iley.

Bixista uu Cabdi iley sida dhuumashada ah kaga baxay magaalada Addis ababa isagoo aysan waxba kala socon kooxda EPRDF, ayaa Guul siyaasadeed u noqotay madaxa maamulka Oromada oo ay kala dhaxayso colaad ba’an oo kadhalatay dagaalada kasocda deegaamada Labada Ummadood ee Woyanuhu Horjoogayaasha uga dhigtay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

ESTV BIYO KA CAB !” WAA SHEEKO XIISA BADAN OO KA DHACDAY JIGJIGA,
- Apr 25, 2018
“ ESTV BIYO KA CAB !” WAA SHEEKO XIISA BADAN OO KA DHACDAY JIGJIGA Nin ...
Wararkii ugu dambeeyey Ee kacdoonka Shinniile
- Apr 25, 2018
Weli waxaan xal loo helin kacdoonkii gobalka Shinniile ee ay Barbaartu bilaabeen, laguna diidanaa ...
Deg Deg:Gobolka Siti oo Ciidamo Lagu Daadiyay & Xaalad Adag oo Kajirta
- Apr 25, 2018
  Deg Deg:Gobolka Siti oo Ciidamo Lagu Daadiyay & Xaalad Adag oo Kajirt. Wararka naga soo ...
JIG JIGA. DULMANE ABDIKARIM SHEIKH MUSE QALBI DHAGAX, HADII AAD XOG KA HEYSO FADLAN WAA MIHIM.
- Apr 25, 2018
JIG JIGA. DULMANE ABDIKARIM SHEIKH MUSE QALBI DHAGAX, HADII AAD XOG KA HEYSO FADLAN ...
Gudiyada Cusub Ee OYSU Bariga Afrika oo Kulan Muhiim ah yeeshay
- Apr 25, 2018
Gudiyada Cusub Ee OYSU Bariga Afrika oo Kulan Muhiim ah yeesha. Waxaa maalinimadii Shalay ahayd ...
Daawo Hees Qiiro leh Farxadda Bashir Makhtal & Aziiza Sh Ibrahim Abdi Badil 2018
- Apr 24, 2018
Naftiihure Bashiir Ahmed Makhtal Oo 12 sano Uxirnaa Itoobiya Dhanka kale waxaa Usamraysay Caziiza ...
Daawo Ciidanka Milatariga Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyey Shirkad Carab Ah
- Apr 24, 2018
Daawo Ciidanka Milatariga Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyey Shirkad Carab Ah
Deg Deg Daawo Kenya Oo U Diiday Inuu Shir Ku Qabto Nairobi Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakhuur
- Apr 24, 2018
Hogaamiya Aqlabiyada Golaha Baarlamaanka Kenya Ayaa kahadlay Xanibaada ay kenya saartay Shirkii Gudoomiyaha xisbiga ...
Daawo Wararkii Ugu Dabmeeyey Xaalada Qasan Ee Ethiopia Iyo Kacdoonadii Gobolka Soomaalida
- Apr 24, 2018
Waxaa maalmahanba ka socday Gobolka Shiniile ee Wadanka Ogaadeeniya Mudaharaado Lagaga soo horjeedo Gumaysiga ...
Daawo Faysal cali Waraabe Sir badan Shaaciyey xasan Sh Ba saxeexay Heshiiska Dp World Dekada Berber
- Apr 24, 2018
Waxaa Maalmahanba Soolaab Laabanaysay Isku Tuur tuurka cidii lahayd saxiixa bixinta Dekada Barbera Ayaa ...