Lemma Megersa iyo Cabdi iley oo shir dhexdii isugu Hanjabay.

Wada hadalo magaalada Addis ababa loogu Qabtay Labada Horjooge ee maamulada Somalida iyo kan Oromada oo kusaabsan dagaalada dhiiga badani kudaatay ee kasocda deegaamada 2-da bulsho wadaagaan ayaa ku dhamaaday Fashil Hanjabaad.

Kulamada oo si rasmi ah u bilawday 18-kii bishan ayaa soo dhamaaday isla Fiidnimadii 19-ka bisha kadib markii Labada Horjooge ay shirka isku dhex Aflaadeeyeen, iyaga oo midiba kan kale uu ku eedeeynayo inay maleeshiyadiisu dagaalka bilawday masuulna katahay.

Wada hadalka Labada Horjooge oo uu dhex dhexaadinayay Agaasimaha Kililada ee xafiiska Xayle Maryan ayuu Lemma Megersa oo ah madaxa is maamulka Oromadu ugu Hanjabay Cabdi iley inuu barqo kaqabsan doono magaalada Jigjiga, taasi oo keentay in Cabdi iley isna dhinaciisa ku Hanjabo inuu ilaa iyo Nazeret cagta marin doono Oromada kunool.

Muranka iyo Hanjabaada aan macnaha lahayn ee Labada Horjooge oo marka laga reebo shakhsiyaadka dhex dhexaadinayay ay dusha kala socdeen saraakiisha Tigreegu, ayaa ugu dambays lagu kala dhaqaaqay Habeenimadii 19-kii bisha ee sabtidu soo Galaysay iyada oo aan wax Natiija ah laga gaadhin.

Dagaalada u dhexeeya maleeshiyaadka Labada maamul ayaa wali sii socda waxayna kufidiyaan deegaamo cusub oo bulshoyinka Oromada iyo Somaalidu wada dagan yihiin, taasi oo keentay in dad badan oo Labada dhinac ah oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo Beeralay inay dhulkoodii isaga barakacaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xog: Farmaajo Oo Gaaray Dhuusa Mareeb
- Jan 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ...
Deg Deg Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo Ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho.
- Jan 16, 2018
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka ...
Daawo Heestii Ugu Yaabka Badnayd Dadka Dhan Dhinac U Wada Tuurtay
- Jan 16, 2018
Waxaan Idiin Soo Gudbinaynaa Heestii Aduunka Ugu Yaabka Badnayd oo Daadka dhinac isku wada ...
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
- Jan 16, 2018
Daawo xog Cusub oo kusaabsan Heshiiska ONLF iyo Ethiopia
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu aaso fanaanada Dalka Soomaaliya si iiro lehna uga Tacsiyeeyay.
- Jan 16, 2018
Daawo:Geeridii Fanaanada Khadiijo Dalays iyo Hobolada Waabari intii ka noolayd oo codsaday in lagu ...
Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii Madaxwayne Farmaajo.
- Jan 16, 2018
/Daawo:Kaftanka Siyaasada oo xiiso gaara leh laguna Soobandhigay Siro badan oo ku duugan Safarkii ...
TPLF oo Shirar Ku Waalatay & Qorshe Ay Kawadaan EPRDF.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Taliska Wayaanaha oo Khal Khalay & Ciidamo Uu Geeyay Xuduuda Sudan.
- Jan 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanaha ay lasoo ...
Turkiga oo Maraykanka Ku Eedeeyay Inuu Dhibaato Ka Abuurayo Suuriya.
- Jan 16, 2018
Isbahaysiga ku lugta leh dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub ...
Hogaanka Falastiin oo Ku Gacan Saydhay Qorshaha Trump.
- Jan 16, 2018
Madaxa Ismaamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka ...